Taariikh kooban: Danjiraha cusub ay Britain usoo magacawday Somalia

Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa maalmaha soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro Danjiraha cusub ee dalka Britain u fadhin doona Somalia.

Danjiraha cusub oo lagu magacaabo David William Concar, ayaa kasoo jeeda deegaanka little Haywood ee magaalladda Stafforshire ee Gobalka England.

Danjiraha cusub ee Britain ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeysay madaxa ka ahaa Xafiiska Waaxda Hay’addaha Calaamiga ee magaalladda London, waxa uuna muddo ku dhex jiray howlaha diplomaasiyada.

Waxa kale oo doorkiisu ahaa Ergayga UK ee Barwaaqa-sooranka (Commonwealth Envoy), wuxuuna hayinka u hayey Siyaasadda shaqo ee Xaiiska Arrimaha Dibedda ee Hay’adaha ugu waa weyn ee Caalamiga, oo ay ku jiraan QM iyo Maxkamadda Caalamiga ee ICC.

Danjire David William Concar, waxa uu markiisii hore ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan Wargeyska The international Science Journal Nature, waxa uuna sidoo kale soo noqday ku-xigeen Tifaftire oo isla Wargeyska ah.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa sheegtay in Danjire David William Concar uu magaalada Muqdisho ku beegan yahay bartamaha Bishan, si uu shaqada ugala wareego Danjiraha kale Mr Harriet Mathews oo wakhtigii Safiirnimo uu ka dhamaaday.

Boqoradda dalka Britain, Queen Elizabeth II ayaa waxa ay bartamihii bishii November ee sannadkii hore u soo magacowday Ambassador David William Concar inuu noqdo Safiirka Boqortooyadda Britain u jooga Soomaaliya.

Geesta kale, Danjire David William Concar waa Khabiir ku takhasusay Dhaqaalaha, Ammaanka, Siyaasadda Deegaanka iyo Hal-abuurnimo, wuxuuna ka soo shaqeeyey Dalka Shiinaha, isagoo sannadkii 2012-kii dib ugu laabtay magaalladda London.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com