Tacsi ku socota ehellada Cabdulle Maxamuud Afrax (Cabdulle Libaax)

Adeer Abuukar Sheekh Axmed Mataan, iyo adeer Xamuu Caddey Sheekh Axmed Mataan iyo Dhammaan qoyska reer Sheekh Axmed Mataan meel kasta oo ay dunida ka joogaan iyo gabdhaha Xiddigaha Banaadir ee Mataan Cabdulle, ee ku kala sugan dhammaan daafaha dunida, waxay tacsi tiiraanyo leh ay u dirayaan ehalladii, qaraabadii, qoysaskii uu ka geeriyooday allaha u naxariistee Cabdulle Maxamuud Afrax (Cabdulle Libaax), oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waxa ay si gaar ah tacsi ugu dirayaan Reer Afrax Caddow Gaadaay, iyo Carfaaye Cumar Bulow.

Waxay leeyihiin samir iyo iimaan allaha idinka siiyo marxuumka geeriyooday, isagana jannada fardowso allaha ka waraabiyo. Kitaabkiisa allaha ka siiyo gacanta midig. Inaa Lilaah waa Inaa Ileyhi Raajicuun.