Sawirro: Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika oo salaad ku tujiyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha kuxigeenka ciidamada Mareykanka ee Afrika Abuhena Saifulislam oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa salaad ku tujiyay taliska ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku leeyihiin ciidamada Mareykanka taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada Mareykanka oo ah Muslim ayaa markii uu salaadii dhameeyay la afuray saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee muslimka ah.

Ciidamo ka socda dalka Mareykanka ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho, gaar ahaan qeybta ciidamada cirka ee Xalane, kuwaasi oo taageera ciidamada gaarka ee dowladda Somalia oo si wadajir ah u fuliya howlgalada qorsheysan.