Taliyaha militeriga oo aan wali dhag jalaq usiin amarkii Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Millatariga DFS Sareeya gaas Maxamed Aadan Axmed, ayaan wali qaadin talaabo lagu daadgureynaayo Ciidamada Militeriga ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka ayaa dhawaan isla gartay in Ciidamada Militeriga laga saaro magaalada Muqdisho oo ay ka geystaan dilal fool xun.

Taliyaha ciidanka Millatariga DFS Sareeya gaas Maxamed Aadan Axmed, ayaa kulanka kadib shaaciyay in Taliska Ciidamada Militeriga uusan raali ka noqon doonin Ciidamo ka tirsan Taliska oo dhex socda magaalada.

Taliyaha waxa uu sidoo kale sheegay in Askarigii ka tirsan Militeriga ee lagu dhex arkaa magaalada Muqdisho uu meteysan doono ciqaab, balse waxaa muuqaneysa inaan wali laga dhabeyn amarka Madaxweynaha isla markaana Waddooyinka magaalada ay si caadi ah u dhex socdaan Ciidamada oo ku labisan dareeskooda.

Taliyaha waxa uu sidoo kale ku goodiyay in sharciga ay la tiigsan doonaan Ilaalada Hoteelada iyo kuwa Hay”adaha ee ku labisan dareeska Ciidamada Militeriga, inkastoo aysan ilaalada goobahaasi wali u hogaansamin amarka.

Sidoo kale, Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa si caadi ah u dhex maraaya Ciidamo ka tirsan Militeriga oo ilaalinaaya shaqsiyaad Ganacsato ah iyo kuwo caadi u dhex lugeynaaya kuwaa oo aan wali u hogaansamin amarka.

Taliyaha Ciidamada Xooga Sareeya gaas Maxamed Aadan Axmed oo amarka saarida Ciidamada la faray dhowr maalin ka hor ayaa u muuqanaaya mid ku hingoobay dhaqan galinta amarka Madaxweynaha Maxamed C/llahi Farmaajo.

Ciidamada ugu badan ayaan u diiwaan gishneyn Dowlada Somalia kuwaa oo qab qabiil ula socda Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada waxa ayna taa suuragalisay in Ciidamada labisan aysan dhag jalaq usiin amarka Madaxda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com