Taliye Sanbaloolshow, hashu maankeyga gaddaye ma masaarbey liqday?!

Maalmihii Ciida waxaa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Mogadishu Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) isaga oo isbarbardhig u sameeyay Qaraxyadii iyo Dilalkii Mogadishu ka dhacay sanadkii 2016 iyo kuwa dhacay Bishii Ramadaan ee sanadkaan 2017! Waxa uu isbarbardhigayana ay tahay sanad 12 bilood ka kooban iyo bil 30 maalmood ka kooban sida uu ku sheegay shirkiisa Jaraa’id! Wuxuuna ku bilaabay hadalkiisa sida soo soocta:

1. Sanadkii 2016 waxaa Magaalada Mogadishu ka dhacay 28 qarax! Waxaana qaraxyadaas ku dhintay 80 qofood! Dilal qorsheysana waxaa lagu dilay 40 qofood!

2. Bishaan Ramadaan ee sanadka 2017 waxaa Mogadishu ka dhacay 3 qarax! Waxaana qaraxyadaas ku dhintay 28 qofood! Dilal qorsheysana waxaa lagu dilay 12 qofood! Waxaana la dhaawacay 40 qofood!

3. Bishaan Ramadaan qaraxyadu waxay hoos u dhaceen 90%! Dhimashadana waxay hoos udhacday 80%!

Taliyow horta aan ku saxee sanad waxaa lala barbardhigaa sanad, bilna bil ee marka hore raali ahoow!

Sidoo kale hadaan tusaale usoo qaato, labadii Ramadaan ee sanadkii 2016 iyo sanadkaan 2017 sida aad ka arki karto faylasha Xarunta aad madaxda ka tahay tuban oo aan umaleynayo inaadan wali waqti u helin aad ku eegto sida hadaba aadan waqti ugu helin inaad iska saxdo markii aad sheegaysay wadarta guud ee dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii lasoo dhaafay!

1. Bishii Ramadaan ee sanadkii 2016 Magaalada Mogadishu waxaa ka dhacay hal qarax kaas oo lagu weeray Hotel Naasa Hablood 1, waxaana ku dhintay 10 ruux oo uu ku jiray Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka Bey’adda Burci Maxamed Xamza AUN.

2. Ramadaan kaan hada dhamaaday ee 2017, waxaa ka dhacay Magaalada Mogadishu saddex weerar oo is qarxin ah mudo waliba 9 maalin gudahood ah.

– Weerarkii 1aad: waxaa uu dhacay 14-kii bishii June, kaasoo lagu qaaday Maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats oo isku dhow, waxaa weerarkaas ku dhimatay illaa 28 ruux.

– Weerarkii 2aad: waxa uu dhacay 20-kii bishii June, kaasoo lagu qaaday Xarunta Maamulka Degmada Wadajir, waxaana ku dhimatay 14 ruux oo dumar u badan.

– Weerarkii 3aad: waxaa uu dhacay 22 bishii June, kaasoo lagu qaaday Saldhiga Degmada Waabari, waxaana ku dhimatay illaa 8 ruux oo uu ku jiro Wasiirkii Dhalinyarada Jubbaland Maxamed Yuusuf Aw Libaax.

3. Sidoo kale waxaa dilal qorsheysan lagu dilay Magaalada Mogadishu intii lagu gudo jiray bishii Ramadaan ee sanadkaan dad kor u dhaafaya 40 qofood!

4. Isku celcelis bishaan Ramadaan waxaa Magaalada Mogadishu lagu dilay 90 qofood ugu yaraan sida laga soo xigtay Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Mogadishu iyo Warbaahinta Madaxa banaan ee Magaalada Mogadishu.

Haddaba Taliyow,

Soo nasiib daro maahan Taliyihii Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka in macluumaadkii sanadkii lasoo dhaafay uusan heynin! Ma kala garan karo inaad waqti u weysay aad ku hubiso macluumaadka Xaafiiskaaga dhex tuban iyo in shaqada Qaran ee laguu idmaday aad u heysato hanjabaadaha iyo propagandada dadka looga afuufayo Warbaahinta iyo Baraha Bulshada?!

Soo nasiib daro maahan inaad isbarbardhig u sameyso sidii Ciidan cadow oo la jabiyay, dadkii Soomaaliyeed ee laf dhabarka u ahaa Bushada Soomaaliyeed ee Dhalinyarada iyo Haweenka u badnaa ee la xasuuqay, Eheladii iyo Umaddii Soomaaliyeed ee ay ka baxeena ay wali quluubtoodu ilmeynayso, meeshii aad isku canaanan lahayd kana dhiidhin lahayd fashilka Amni ee dhacay, tilaabana aad ka qaadi lahayd cidii fashilkaas mas’uulka ahayd maadaaba aad tahay qofkii u xilsaarnaa ilaalinta Amniga muwaadiniintaas Soomaaliyeed?!

Ugu danbeyntii waxaan halkaan ammaan aan lasoo koobi karin uga jeedinayaa Ciidamada Amniga ee har iyo habeen heeganka ugu jira difaaca Dalka iyo ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaan ugu tacsiyeynayaa Madaxda Qaranka, Taliye yaasha Ciidamada iyo Eheladii ay ka shahiideen Ciidamadeena Amniga oo tiradii ugu badnayd ee Ciidan waxyeelo kasoo gaartay bishii Ramadaan ee hadda dhammaatay, xilli ma naxayaasha argagixisada ah beegsanayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa qoray: Xildhibaan Mahad Salad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid