Talyaaniga oo qaaday tallaabo muhiim ah kadib qaraxii Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada dalka Talyaaniga Angelino Alfano, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladiisa ay garab muuqda ka qaadaneyso musiibadii ka dhacday Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladu ay bixineyso lacag dhan 300,000 oo Euro si ay u siiso Bisha Cas ee Soomaaliyeed kadib weerarkii isgoyska Zoobe bilowgiii Todobaadkan.

Wasiir Angelino Alfano, ayaa sheegay in cadadka dhaqaalahaasi ay kasii badan doonto taakuleynta maadaama ay sii kororeyso musiibada ka dhalatay Qaraxii Zoobe.

Angelino Alfano, waxa uu intaa raaciyay in lacagtaasi loo adeegsan doono waxyeelada ka dhalatay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho.

Angelino Alfano, ayaa sheegay in Talyaaniga mar walba uu jecel yahay inuu muujiyo taageeradiisa Somalia, gaar ahaan qoysaska hada dhibanayaasha ah iyo kuwa dhaawacmay.

Talaabadani ay qaaday Dowlada Talyaaniga ayaa ah mid ku dayasho mudan, waxaana xusid mudan in dowladaha qaar ee carabta laga la’ yahay talaabo ceynkaan ah.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkii 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 295 qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa 330 oo qof, kaasi oo lagu tilmaamay in uu ahaa mid musiibo Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com