Tarsan: “Magaalada Ma’ahan Kaliyah Makka Almukara ee Barta Magalada..”

Munaasab balaaran oo loogu magac daray Baro Magaaladaada taas oo ka dhacday Hoteelka Garguurte oo ku yaalo Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uul yihiin ka tirsan Dowlada Somalia.

Ula jeedada loo qabtay Munaasabada ayaa aheyd in Magaalada Muqdisho aysan aheyn hal meel oo kaliyah Shacabkuna ay ilaabeyn Waqooyiga Muqdisho taas oo ay ka hadleyn Mas’uul yihiin ka tirsan Dowlada Somalia.

tarsan

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mahamud Ahmed Nuur “Tarsan” ayaa ka mid ahaa Madaxdii ka qeyb gashay waxuuna ka hadlay arimo muhiim ah oo ku socda Shacabka Magaalada Muqdisho joogo iyo kuwa ka imaanaya Qurbaha waxuuna yiri.

“Magaalada Wadada Maka Almukarama kaliyah ma ahan ee barta Magaaladiina waa magaalo baaxad weyn tusaale ahaan halkaan aan joogo waxaa ku yaalo Hotelo Raqiis ah iyo meelo badan oo ku soo jiidanaya waxaan dhihi la haa Shacabka Soomaaliyeed meelo badan ayaa jiro oo ka qurxoon daaraha Wadada Maka Almukarama”

“Ma’ahan in la ilaabo meelo amaankooda uu aad u adag yahay sida Waqooyiga Muqdisho waana meel la isku haleyn karo waxaa joogo Ciidamada Dowlada ee halkaan kaalayaha wax kasta oo ka jaban meelaha qaaliga ah ayaad ka heleysaan”

Hadalka Gudoomiyaha ayaa ahaa mid soo jeedanaya Shacabka asagoo dagaal ugu jiro soo celinta bilicda Magaalada iyo dib u dhiska Gobolka Banaadir oo si xowli ah ku soconaya Maalmahaan.