Tarsan oo sifo xun ku tilmaamay weerarna ku qaaday Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxa xilka madaxweynaha Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa jawaab la yaab leh ka bixiyay xil ka qaadista qaar ka mida xildhibaanada Galmudug ku sameeyeen madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Qoraal uu Tarsan soo dhigay bartiisa twitter, oo English ahaa balse si qaldan loo hingaadiyey ayuu ku sheegay in arrintan ay bilow u tahay kacdoon looga horjeedo waxtar la’aanta, kooxeysiga iyo kuwa magaca dowladda ku dhaca hantida Qaran.

Lama yaqaan sababta uu Tarsan weerarkan ba’an ugu qaaday Cabdikariim Guuleed, hase yeeshee waxaa la rmeysan yahay inuu ku riixayo dhinaca madaxda dowladda federaalka inkasta oo labadaas dhinac ay kala furteen.

Magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa ka dhacay codeyn loo qaaday mooshin kalsooni kala noqosho oo qaar ka mida xildhibaanada Galmudug ay u qaadeen madaxweynaha Galmudug, iyadoo sheegay inay xilkii ka qaadeen si KMG ahna u sii heyn doono madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

C/kariin Guuleed ayaa ku gacan seyray mooshinka kalsoonida loogala noqday wuxuuna sheegay inay tahay tallaabo sharci darro ah oo ay abaabuleen caddowga Galmudug.

“Maamulka Galmudug wuxuu u taagan yahay inuu ixtiraamo kuna shaqeeyo sharciyaddaas iyo Dastuurka ay dadka ree Galmudug sameysteen, waxa kasocda Goobta Badbaado lagu magacaabo waa mid sharci darro ah kana baxsan Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug, maxaa yeelay kalfadhi rasmi ah oo Baarlamaanku leeyahay oo furan majiro, sida kucad war murtiyeedka uu soo saaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug 5tii Jan, 2017. Hadaba, waxaa u arkeynaa waxa maalmihii lasoo dhaafay ay wadaan qaar kamida xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay tahay fawdo, sharci darro lagu sameynayo Dowlad Goboleedka Galmudug” ayuu yiri Guuleed.

Waxaa maalmahanba jiray khilaaf xooggan oo ka dhex oognaa Guuleed iyo xubno ka mid ah xildhibaanada Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com