Tartiibka RAQAMKA (7) ee Qur’aanka (Mucjisooyinka Qur’aanka Kariimka)

Waxaan horey dhowr mowduuc oo icjaazi ah uga soo hadalnay sha’niga raqamka 7 iyo Quraanka kariimka, iyo weliba sha’ niga raqamkaasi iyo aayadaha kowniga ahi. Maanta hadduu Eebbe idmo waxaynu jecelnahay inaanu ka hadalno tartiibka raqamkaasi iyo mucjisada cajiibka ah ee Quraanka.  Waxaa cajiiba in raqamka 7 uu yahay raqamka ugu horreeya ee Quraanka kariimka ah kusoo arooray, marka laga hadlaya raqamyada oo dhan, taasina waa qowlka Alle Sarreeye ee ah

(هُوَ الَّذِي خَلَقَ لَكُم مَّا فِي الأَرْضِ جَمِيعاً ثُمَّ اسْتَوَى إِلَى السَّمَاء فَسَوَّاهُنَّ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ وَهُوَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ)

[البقرة: 2/29}

Sidoo kale waa raqamka ugu dambeeyo ee Ilaahay uu Quraankiisa ku xuso marka laga hadlaya raqamyada oo dhan, waana qowlka Alle Sarreeye ee ah
(وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعاً شِدَاداً)
 [النبأ: 78/12].
Muxuu martabaddani ku heley raqamka 7? Maxay tahay sirta ku hoos duugan inuu noqdo raqamka ugu horreeyo iyo kan ugu dambeeyo ee tartiibka Quraanka kariimka ah? Horaan uga soo hadalnay asraar badan oo quseeyso raqamkan, waxaanna soo xusnay inuu yahay raqam asaas u ah arqaamta Quraanka kusoo aroortay, sidoo kalena waxaan soo xusnay inuu yahay raqam mucjiseed muujinaya weynida Quraanka iyo xaqnimadiisa. Sidaas oo ay tahayna wuxuu leeyahay asraar iyo cilmi qarsoon oo aynaan innaga fahmi karin ama naga weyn, laakiin inta daahirka ah ee aynu ka arkeyna ayaa ah mid iimaankeenna qaweyneyso oo awood u yeeleyso.
Markaa maanta waxaan xusi doonnaa xaqiiqada raqamkan ee ah tartiibka uu Quraanka kariimka ugu soo arooray marka ugu horreeyso iyo marka ugu dambeyso. Intaynaan taasi gudo gelinse aan waxyar ka xusno asraarta raqamkaan jaanibkeeda kale ee saldhigga Quraanka.
Raqamka toddoba waa raqamka uu Ilaahay u doortay samadu oo uu ka dhigey toddobo samo, sidaas oo ay tahay Ilaahay Quraanka kariimka wuxuu ku xusay erayga ”toddobada samo”,  7 mar. Subxanallaah!!. (Al Baqrah: 29, Al Israa: 44, Al Mu’minuun: 68, Fusilat: 12, Al Talaaq: 12, Al Mulki: 3, Nuux: 15).
Ilaahay wuxuu nebigiisa ku yiri aayadda 87d ee suuradda Al Xijr
 قوله تعالى : ولقد آتيناك سبعا من المثاني والقرآن العظيم ”Dhab ahaan waxaanu ku siinnay toddobo soo noqnoqoto (Al Faatixah) iyo Quraan weyn”. Al Xijr: 87. Aayaddu waxay xustay in nebigeenna suubban (NNKH) lasiiyey toddobo soo noqnoqota oo ah Al Faatixah (waa toddobo aayadood) iyo Quraan weyn. Mar kale wuxuu Ilaahay ku tilmaamay suuradda Al Faatixah inay tahay Ummul Kitaab, yacni hooyadii Quraanka (Aali Cimraan: 6). Nebiguna (NNKH) waxaa ka sugnaatay inuu yiri ”Qofkii aanan aqrninin Faatixa-da Quraanka uma jirta salaadda”.
Suuraddii Quraanka oo dhan la bar bar dhigey waxay ka kooban tahay 7 aayadood oo Ilaahay uu sidaasi ugu doortay, waana suuradda keliya ee bisinka aayad ahaan loogu tiriya. Subxanallaah.
Dhanka kale aayaddan ka sheekeyneysa weynida suuraddaasi 7-da aayadood ah (Al Faatixah) waxay ku jirtaa suuradda Al Xijr, waana aayadda 87d. Haddii aad fiiriso markaas cibaaradda aayadda inta kelmadood ee ay ka kooban tahay waxaa kuusoo baxaysa 7 kalmadood Subxanallaah!!..
Dhanka cibaaradda tilmaameyso soo noqnoqodka suuradda Al Faatixah ee aayadda ku jirta waa kalmaddan (المثاني), Subxanallaah!! waxay kalmaddani ka kooban tahay 7 xaraf.
Sidoo kale cibaaradda tilmaamaysa Quraanka oo dhan ee aayadda ku jirta waa kalmaddan (والقرآن), Subxanallaah!! waxay kalmaddanina ka kooban tahay 7 xaraf.
Dhanka kale suuradda ay ku jirta aayaddani waa suuradda Al Xijr, waana suurad Makki ah, aayaddan uu mooyaane, aayaddanina waxay kusoo degtay Madiinah (المدينه), magaca magaalada Madiinah Carabi ahaan waa 7 xaraf. Waxaa kaloo cajiib ah isla laftiga (المدينه) oo ah magaca magaalada ay kusoo degtay aayaddaasi Quraanka kariimka wuxuu kusoo arooray 14 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo labo jibbaaran. Subxanallaah!!.
Suuradda Al Faatixah waxay ka kooban tahay 7 aayadood, kalmadaheeduna waa 29 kalmadood. Aayaddan sare ee suuradda Al Xijrina waa aayadda 87-d ee suuradda, taasoo ka lamid ah kalmadaha Al Faatixah (29 kalmadood) oo dhowr jibbaaran.
29x 3= 87 taasuna waa calaaqada raqameed ee ka dhexeysa aayadda iyo suuraddaasi. Magaca suuradda Al Faatixah ayaa sidoo kale ka kooban 7 xaraf (الفاتحه).
Waxaa kaloo cajiiba jumladda ”Alxamdulillaahi Rabbil caalamiin”, waxay Quraanka kariimka kusoo aroortay 7 mar. Subxanallaah!!.
Haddaynu kasii hadli lahayn mucjisada raqameed ee suuradda Al Faatixah waxay nagu qaadan lahayn bogag badan, taxano ahaan ayayna ku habboonaan lahayd, laakiin aan intaa immika uga gudubno oo aan waxyar oo aad u yar kasii sheegno raqamka 7 iyo sirtiisa Quraanka si aynu ufahanno mucjisada raqamkan, kadibna aanu guda galno hadduu Eebbe idmo mowduuceennii aan ciwaanka kusoo qaadannay oo illaa immika aynaan weli taabanin balse aan weli ku jirna horu dhaciisii.
Dhanka suuradaha Quraanka ah ee ay aayadahoodu ku dhammaadaan 7 aayadood iyo tiro 7 jibbaar ah macnaha raqamka 7 oo dhowr jibbaaran waa suuradahan hoose
1. Suuradda Al Maacuun: 7 aayadood/ waa raqamka 7 oo taagan
2. Suuradda Al Faatixah: 7 aayadood/ waa raqamka 7 oo taagan
3. Suuradda Al Saf: 14 aayadood/ waa raqamka 7 oo 2 jibbaaran
4. Suuradda Al Leyl: 21 aayadood/ waa raqamka 7 oo 3 jibbaaran
5. Suuradda Nuux: 28 aayadood/ waa raqamka 7 oo 4 jibbaaran
6. Suuradda Al Jin: 28 aayadood/ waa raqamka 7 oo 4 jibbaaran
7. Suuradda Al Axqaaf: 35 aayadood/ waa raqamka 7 oo 5 jibbaaran
8. Suuradda Cabasa: 42 aayadood/ waa raqamka 7 oo 6 jibbaaran
9. Suuradda Ad Duur: 49 aayadood/ waa raqamka 7 oo 7 jibbaaran
10. Suuradda Al Muddathir: 56 aayadood/ waa raqamka 7 oo 8 jibbaaran
11. Suuradda Al Furqaan: 77 aayadood/ waa raqamka 7 oo 11 jibbaaran
12. Suuradda Maryam: 98 aayadood/ waa raqamka 7 oo 14 jibbaaran
13. Suuradda Al Ambiyaa: 112 aayadood/ waa raqamka 7 oo 16 jibbaaran
14. Suuradda As- Saafaat: 182 aayadood/ waa raqamka 7 oo 26 jibbaaran
Haddii aanu helnay suuradaha inta aayadood ee ay ku dhammaadaan ay tahay 7 ama ay yahiin suurado uu ku labo jibbaarmo raqamka 7, waxaanu helnay inay yahiin 14 suuradood, taasoo iyana ah raqamka 7 oo 2 jibbaaran Subxanallaah!!.
7x 2= 14 suuradood.
Haddii aanu wada kulminno suuradahaas 14-ta ah aayadahooda waxaa inoosoo baxaya raqamkan 756, Subxanallaah!! kanina waa dhowr jibbaarka raqamka 7.
7x 108= 756 aayadaha 14-ta suuradood
Dhanka xaaladaha uu Ilaahay guurka inooga reebay iyo noocyadooda waa labo nooc, oo kala ah guurka nalagaga xarrimyeelay xagga nasabka, iyo kan nalagaga xarrim yeelay xagga xididka. Labada noocba midkiiba waxaa nalooga xarrimay 7 xaaladood. Waakan Quraanka oo Ilaahay uu inoogu caddeynaya arrinkaasi suuradda Al Nisaa: 23- 24d.
Kuwani waa kuwa lagu xarrimay dhanka nasabka, kuwa xididkana waa kuwan
 ( 24 ) 
Dhanka kale Quraanka wuxuu inoo sheegayaa in Ilaahay uu samada iyo dhulka ku abuuray 6 maalmood, maalintii toddobaadna uu ku istawooday carshiga. Haddaba Istawaha ama ka kor ahaanshaha Ilaahay ee carshigiisa ayaa Quraanka kariimka wuxuu Ilaahay ku xusay 7 mar Subxanallaah!!
Waxaa lagu kala xusay suuradaha
1. Al Acraaf: 54,
2. Yuunus: 3,
3. Ar- Racad: 2,
4. Daahaa: 5,
5. Al Furqaan: 59,
6. As- Sajdah:4 iyo
7. Al Xadiid: 4.

1.إِنَّ رَبَّكُمُ اللهُ الَّذِى خَلَقَ السَّمَاواتِ وَالأرْضَ فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ   اسْتَوَى   عَلَى   الْعَرْشِ

2.إِنَّ رَبَّكُمُ اللهُ الَّذِى خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالأرْضَ فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ   اسْتَوَى   عَلَى   الْعَرْشِ

3.اللهُ الَّذى رَفَعَ السَّمَاوَاتِ بِغَيْرِ عَمَدٍ تَرَوْنَهَا، ثُمَّ   اسْتَوى   عَلَى   الْعَرْشِ،

4.الرَّحْمَنُ   عَلَى   الْعَرْشِ   اسْتَوَى 

5.الَّذِى خَلَقَ السَّمَاواتِ وَالأرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ   اسْتَوَى   عَلَى   الْعَرْشِ   الرَّحْمَنُ   فَسْـءـلْ   بِهِ  خَبِيراً

6.اللهُ الَّذِى خَلَقَ السَّمَاواتِ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فى سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ   اسْتَوَى   عَلَى   الْعَرْشِ،

7.هُوَ الَّذِى خَلَقَ السَّمَاواتِ وَالْأَرْضَ فى سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ   اسْتَوى   عَلَى   الْعَرْشِ

Dhanka kale Ilaahay wuxuu soo dejiyey afar kitaab oo waaweyn oo kala ah Towraad (التوراة), oo lagu soo dejiyey nebi Muuse nabadi dushiisa ha ahaate, Az- Zaabuur (الزابور), oo loosoo dejiyey nebi Daa’uud nabadi dushiisa ha ahaatee, Al Injiil (الإنجيل) oo loosoo dejiyey nebi Ciise nabadi dushiisa ha ahaatee iyo Al Furqaan (الفرقان) oo loosoo dejiyey nebigeenna suubban Muxammad (NNKH). Kitaabka Al Furqaan (الفرقان) ayaa ah kitaabka kaliya ee loosoo dejiyey bini Aadamka oo dhan, sidaa darteed laftiga banii Aadam (بني آدم) Quraanka kariimka waxaa lagu xusay 7 mar, halka laftiga Al Furqaanna lagu xusay 7 mar.
Dhanka kale haddii aad fiiriso kalmadda Al Furqaan (الفرقان) waxaa ay ka kooban tahay 7 xaraf, Subxanallaah!!, taasoo ku tusineyso Allihii toddobada samo iyo waxa u dhexeeya sameeyay inuu soo dejiyey Furqaankan una soo dejiyey banii Aadamka oo dhan, halka kutubbadii hore iyo nebiyadii hore loo diri jirey oo keliya qoomam iyo kooxo uun.
Quraanka kariimka ah waxaa loosoo dejiyey inuu wacdi iyo waciid u noqdo khalqiga oo ay ku waantoobaan, si maalinta Qiyaamaha looga badbaado shiddada iyo dhibta jirta. Waxaa basharka soo gaarsiiyey Malaa’ik oo ka keentay xagga Alle una keentay nebi Muxammad (NNKH), dariiqa uu ku yimidna waa dariiq waxyi ah. Haddaba laftida Al Quraan (القران), ayaa Quraanka kariimka lagu xusay 70 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 10= 70 Subxanallaah!!.
Sidoo kale laftiga Al Malaa’ikah (الملائكه) ayaa Quraanka kariimka ah lagu xusay 70 mar, taasoo iyana lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 10= 70 Subxanallaah!!.
Sidoo kale laftiga Al Waxyi (الوحي) ayaa Quraanka kariimka lagu xusay 70 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 10= 70 Subxanallaah!!.
Kalmadda Al Waxyi ayadoo ficil ah, ”Yuuxaa” (يوحي), waxaa iyana lagu xusay Quraanka kariimka ah 14 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 2= 14 Subxanallaah!!.
Sidoo kale laftiga Yowma’id (يومئد) oo tilmaamaya maalinta Qiyaamaha ayaa lagu xusay Quraanka kariimka ah 70 mar, taasoo iyana lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 10= 70 Subxanallaah!!.
Sidoo kale laftiga Yoomul Qiyaamah (يوم القيامه) ayaa isaguna si toosa waxaa lagu xusay Quraanka kariimka 70 mar, taasoo lamid ah mar kale raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 10= 70 Subxanallaah!!.
Sidoo kale ereyga kalee tilmaamaya maalintaasi Qiyaamaha ee Quraanka kariimka kusoo arooray waa ereyga ”Alyowmul aakhir”, (اليوم الآخر), waxaa lagu xusay 7 mar. Subxanallaah!!.
Afuufidda suurta ee maalintaas (نفق الصور), ayaa Quraanka kariimka iyana waxaa lagu xusay 7 mar. Subxanallaah!!.
Dhanka abuurka bini Aadamka, wuxuu maraa 7 marxaladood, sida uu Ilaahay Quraankiisa inoogu sheegay, waakan toddobadaasi marxaladood (Suuradda Al Mu’minuun: 12- 14d).
“ولقد خلقنا الإنسان من سلالة من طين. ثم جعلناه نطفة في قرار مكين. ثم خلقنا النطفة علقة فخلقنا العلقة مضغة فخلقنا المضغة عظاما فكسونا العظام لحما ثم أنشأناه خلقا آخر فتبارك الله أحسن الخالقين”.
Toddobadaasi marxalad ee aan khadda cas ku calaamadeynay ayuu maraa abuurka insaanka. Waana xaqiiqa ay immika ka marag kaceen reer galbeedka oo lagu dhiga Jaamacadaha galbeedka, Quraankuse uu 1400 sano ka hor uu ka warramay.

Waxaad kaloo fiirisaa sawirka tilmaamaya toddobadaasi marxalad ee insaanka abuurkiisa uu maro, oo laga soo xigtay kitaabka diktoorka weyn ee la yiraahda Dr Keith Mort oo ah ninka looga dambeeya cilmiga Sayniska.

Dhanka kale muhiimaddii nebi Muxammad (NNKH) loosoo direy Ilaahay asagoo inooga qisoonaya wuxuu kusoo koobay dhowr sifo uu ku xusay Quraankiisa dhexdiisa, kuwaasoo uu kusoo koobay 7 sifo. Waa kan (Al Axzaab: 45- 46d)

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ إِنَّا أَرْسَلْنَاكَ شَاهِدًاوَمُبَشِّرًاوَنَذِيرًا * وَدَاعِيًا إِلَى اللَّهِبِإِذْنِهِ وَسِرَاجًا مُنِيرًا *
Kow Ilaahay baa direy, labo waa inuu marqaatinoqon doona, saddex waa bishaareyn kuwa raaco, afar waa u digid kuwa ku caasiya, shan waa ugu yeerid xagga Alle, lix waa idinka Alle dartiis asagoo kaalmeysanaya, toddoba ugu dambeynna waxaa lagu qatimay in lasiiyey hanuun iyo nuur weyni badan iyo toosinta dadka. Waa toddobadaasi sifo saldhigga risaalada nebi Muxammad (NNKH) iyo sababta loosoo direy.

Dhanka kale Ilaahay wuxuu waxbadan dadka ku booriyey inay la yimaadaan iimaan, meela badan ayuuna Quraanka ku xusay oraahda ah ”Kuwa xaqa rumeeyayoow!!”, laakiin kalmadda Iimaan (ايمان
) oo rumeynta tilmaamayso wuxuu Ilaahay Quraanka kariimka ku xusay 7 mar.
1. Aali Cimraan: 173 2. Al Anfaal: 2 3. At Towbah: 124 5. At Towbah: 124 4. Al Axzaab: 22 6. Al Fatxi: 4 7. Al Muddathir: 31
Iimaanka marka lala yimaado waxaa loo baahan yahay badhaxtirid (Ikhlaas), sidaa darteed kalmadda Mukhlisiina lahuddiin (مخلصين له الدين), waxaa Quraanka kariimka lagu xusay iyana 7 mar.
1. Al Acraaf: 29 2. Yuunus: 22 3. Al Cankabuut: 65 4. Luqmaan: 32 5. Ghaafir: 14 6. Ghaafir: 65 7. Al Bayyinah: 5
Wuxuu Ilaahay Quraanka usoo dejiyey in aan mugdiga iyo baadida uga baxno oo aan galno iftiinka iyo hanuunka, sidaa darteed baa jumladda tilmaamaysa arrinkaasi, (يخرج من الظلمات إلي النور) waxaa Quraanka kariimka lagu xusay 7 mar, Subxanallaah!!.
1. Al Baqrah: 257 2. Al Maa’idah: 16 3. Ibraahiim: 1 4. Ibraahiim: 5 5. Al Axzaab: 42 6. Al Xadiid: 9 7. At- Talaaq: 11
Dhanka kale suuradaha ka billawda (إدا) ee Quraanka kariimka kamidka ah, waa 7 suuradood, kuwaasoo kala ah

1. Al Waaqicah 2. Al Munaafiquun 3. Al Infitaar 4. Al Inshiqaaq 5. Ash- Shams 6. Az- Zalzalah 7. An- Nasar

Waxaa kaloo cajiib ah suurada ka billawda xuruufta mucjisada ee ah (
حم), waa 7 suuradood, mana jirta 7 suuradood oo isku wax ka billawda Quraanka oo isku xiga ayaga mooyaane. Subxanallaah!!.
1. Ghaafir 2. Fusilat 3. Ash- Shuuraa 4. Az- Zukhruf 5. Ad- Dukhaan 6. Al Jaathiyah 7. Al Axqaaf.
Laftiga ”aayaatii/aayadaheyga”, (آياتي) oo tilmaamaya aayadaha Ilaahay, waxaa Quraanka kariimka lagu xusay 14 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo labo jibbaaran.
7x 2= 14 Subxanallaah!!. Quraanka waa kitaab cilmiyeed, oo cilmi baa ka buuxa, cilmiga Alle ayuuna kusoo degey siduu Ilaahay Quraankiisa inoogu sheegay, sidaa darteed laftiga ”Cilman”, (علما) waxaa Quraanka kariimka uu kusoo arooray 14 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.  7x 2= 14 Subxanallaah!!. Rabbi ayaa soo dejiyey Quraanka kariimka ah, laftiga ”Rabbi” (رب), wuxuu Quraanka kariimka ah kusoo arooray 14 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo labo jibbaaran.

7x 2= 14 Subxanallaah!!.

Sidoo kale laftiga Rabbigiin (
ربكم) oo tilmaamaya Rabbigeena soo dejiyey Quraanka kariimka ah, ayaa iyana waxaa lagu xusay kalmaddaasi Quraanka kariimka ah 14 mar in lamid ah laftigii  (رب), taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran. Kalmadda dikrii/xuskeyga (ذكري) oo uu Ilaahay ula jeeda Quraanka kariimka wuxuu Quraanka kariimka ku xusay 21 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran
7x 3= 21 Subxanallaah!!.
Allaha cilmiga badan ee Caliimka ah ayaa cilmigiisa kusoo dejiyey Quraanka, sidaa daraaddeed magaca Alle ee Caliim (عليم), wuxuu Quraanka kariimka kusoo arooray 140 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 20= 140 Subxanallaah!!.
Umadda oo dhan ayaa kitaabka Quraanka loosoo dejiyey, sidaa daraaddeed laftiga ”Ummah”, (أمه), wuxuu Quraanka kusoo arooray 49 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.

7x 7= 49 Subxanallaah!!.
Oraahda tilmaameyso soo dejinta Quraanka waa qowlka Alle ee ah ”Anzalnaaho”, bimacnaa waanu soo dejinnay. Waxaa qowlka kalmaddaasi (أنزلناه) ay Quraanka kusoo aroortay 14 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo labo jibbaaran.
7x 2= 14 Subxanallaah!!.
Allaah markaynu xusno waxaynu dhahnaa ”Subxanalllaah tacaalaa”, bimacnaa xumaan ka hufnaaye oo sarreeyey. Waa isaga Allaah midka soo dejiyey kitaabka Quraanka, waana isaga Allaah ka inoosoo direy nebi Muxammad (NNKH), si uu taas ugu caddeeya kitaabkiisa Quraanka dhexdiisa, laftiga jumladdaasi nasahnaantiisa tilmaamaysa (سبحان الله تعالي), wuxuu ku xusay 7 mar. Sidoo kale jumladdaasi ayaa waxay ka kooban tahay 14 xarfood, taasoo lamid ah raqamka 7 oo labo jibbaaran.
7x 2= 14 Subxanallaah!!.
Waxaa kaloo cajiib ah haddii jumladdan (سبحان الله تعالي), lagu xusay Quraanka 7 mar, inta xaraf ee ay ka kooban tahay isku darkooduna ay yahiin 14 xaraf, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran, ka warran kalmadda ugu dambeysa ee jumladaasi oo ah ”Tacaalaa”, (تعالي), oo tilmaamaysa sarreynta Alle waxaa lagu xusay Quraanka kariimka ah 14 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo labo jibbaaran.
7x 2= 14 Subxanallaah!!.
Adkaarta nebiga (NNKH), ka sugnaatay ee galab iyo subax la aqriya ayaa waxaa kamid ah jumladda ah ”Xasbiyallaah!!, laa’illaah Illaahu calayh tawakaltu wahuwa Rabbul carshil caziim”. Wuxuuna nebigu (NNKH) amray subaxdii 7 mar, galabkiina 7 mar in la aqriya. Haddaba laftiga Xasbiyallaah (حسبي الله) oo jumladdaasi saldhig u ah amaba ay ka billaabata, tilmaamayana in Alle talo oo dhan loo dhiibta ayaa Quraanka kariimka wuxuu kusoo arooray 7 mar. Subxanallaah!!.
Waxaa kaloo nebiga (NNKH) ka sugnaatay salaadda Maqrib iyo salaadda Fajar kadib inuu oran jirey min 7 goor ”Allaahumma ajjurnii minan naar”. Oo lamacno ah Alloow!! naarta iga kori. Ka warran laftiga kalmadda naarta (النار), waxaa Quraanka kariimka lagu xusay 126 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 18= 126 Subxanallaah!!. Naar waxaa ugu weyn naarta Jahannam, sidaa daraaddeed kalmadda Jahannam (جهنم), ayaa Quraanka kariimka kusoo aroortay 77 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 11= 77 Subxanallaah!!.
Ha illaawin in Naartaasu ay leedahay 7 albaabood. Quraanka ayaa arrinkaasi inoo sheegaya

{لَهَا سَبْعَةُ أَبْوَابٍ لِّكُلِّ بَابٍ مِّنْهُمْ جُزْءٌ مَّقْسُومٌ}

 [الحجر، آية: 44.]

Quraanka wuxuu inoo sheegay nebiguna (NNKH) uu ina baray in naartaasi lagu muteysta xumaan falidda. Kalmadda xumaanfalidda ”Sayyi’aat”, (السيئات) ayaa Quraanka waxaa lagu xusay 21 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran. (Ha illaawin in kuwa lagu halaagsamo/ dembiyada ee kabaa’irta ee naarta lagu muteysto ay yahiin toddobo ”Sabcah muubikhaat”).
7x 3= 21 Subxanallaah!!. Xumaantu abaal marin naareed bay leedahay sida Quraanka iyo sunnuhuba ay ina barayaan, sidaa darteed kalmadda oranaysa ”waanu abaalmarin”, (نجزي) waxay kusoo aroortay Quraanka kariimka ah 21 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.

7x 3= 21 Subxanallaah!!.

Kalmadda Yakfuruun/ kuwa ku gaaloobay xaqa (يكفرون), waxaa Quraanka kariimka ay kusoo aroortay 14 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr (labo) jibbaaran.
7x 2= 14 Subxanallaah!!.
Waxaa kaloo lamid ah kalmadda si toosa ula hadleysa kuwaasi xaqa ku gaaloobay oo ah Takfuruun/ waad ku gaaloobeysaan xaqa (تكفرون), iyana waxaa Quraanka kariimka ay kusoo aroortay 14 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr (labo) jibbaaran.
7x 2= 14 Subxanallaah!!.
Kuwa ugu badan ee xaqa maqlay ama arkay ama kutubbadoodii hore uu ku dhigan yahay ee kalmadahani ay tilmaamayaan, ee Alle uu leeyahay way ku gaaloobeen xaqii, ama waad ku gaaloobeysaan waa Nasaarada. Waayo iyaga iyo Yahuudda ayaa xaqa arkeen, balse ku gaaloobeen, Waa kuwa uu oranaya Ilaahay way ku gaaloobeen xaqii, ama waad ku gaaloobeysaan. Yahuudda tira ahaan iyo diin ahaan Nasaarada ayaa ka badan, sidaa darteed kalmadda Nasaara oo ka cabbir qaadanaysa labadan kalmadood ayaa waxaa Quraanka kariimka ay kusoo laalaabatay 14 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 2= 14 Subxanallaah!!.
Kalmadda lidka ku ah kalmaddaasi ama kalmadahaasi waa weedha Mu’minuun, kuwa xaqa rumeeyay (مؤمنون), waxaa Quraanka kariimka lagu xusay 35 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 5= 35 Subxanallaah!!. Waxa keliya ee la abaal marin doono ma ahan gaalada iyo Nasaarada, waxa keliya ee la isku abaal marin doonana ma ahan dembiga oo keliya, balse Mu’miniintana waa la abaal marin doonaa, wanaagga ayaana lagu abaal marin doonaa. Sidaa darteed haddii aynu soo xusnay kalmadda abaal marin, haddaba kalmadda wanaag/xasanah (حسنه), immisa mar ayaa iyana Quraanka kariimka lagu xusay? Waxaa lagu xusay 28 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 4= 28 Subxanallaah!!.
Masjidka Xaramka kacbada wuxuu ku yaal magaallada Makkah Al Mukarramah, dawaafkiisa waa 7 mar, sacyiga safa iyo marwana waa 7 mar, tuuridda jarmaadkana waa 7 dhowr jibbaaran. Intaasoo camalla kala duwan, iyo intaasoo dad kala luuqad iyo kala midab ah halka ay isugu imanayaan waa meel amni ah oo amnigaasi Ilaahay uu ka dhigey. Si uu Ilaahay taas Quraankiisa ugu caddeeya, wuxuu ku asteeyey raqamka 7 inuu ku ishaara amniga Xaramka ee uu kitaabkiisa xusay. Cibaaradaasi ayaa Quraanka kariimka kusoo aroortay 7 mar.
Mowduuc qaasa ayaan jecellahay ama taxane ah inaan uga hadalno raqamka toddobo, waayo kow iyo labo bar ma joogo haddii aynu kasii hadli lahayn, laftiga kalmadaha iyo jumladaha iyo cibaarooyinka kusoo arooray Quraanka, iyo sidoo kale ereyada lidka isku ah ama is macneynaya ayaynaanba ka bixi karin haddii aan kasii hadli lahayn, muhiimadduna waxay ahayd raqamkan oo aynu dhowr mar horey uga soo hadalnay inaanu fahanno oo keliya sha’nigiisa, dabeetana aynu xusno ama ka hadalno mowduuca aynu ciwaanka kusoo qaadannay oo weli salka ku haya isla raqamkan 7.

Haddaynu intaas uga gudubno raqamkan iyo sha’nigiisa Quraanka, ma waxaynu wax ka taabannaa raqamkan iyo sunnada? Sidoo kale ma waxaynu xusnaa raqamkan iyo calaaqada nebi Muxammad (NNKH)? Innagooynaanba ku talax tegin aan meel dhaw iska tusinno raqamkan iyo iraadada Alle uu la doontay addoonkiisa nebi Muxammad (NNKH).

Haddii Ilaahay asaaskii Quraanka uu ka yeelay raqamkan, samadiina uu ka dhigay 7, laftiga rasuulaho/ rasuulkiisa (
رسوله), wuxuu Quraanka kariimka ku xusay 35 mar, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.

7x 5=  35 Subxanallaah!!.
35 jir buu ahaa markaasi xilligii nebi Muxammad (NNKH) uu gacmihiisa sharafta badan ku dhigayay xajarka kacbada, markaasoo uu kala badbaadiyey dad isdili rabay oo dagaal weyn dhex mari rabay.

Ka warranse da’dii uu Ilaahay addoonkiisa iyo nebigiisana uu u doortay inuu ku oofsado? Wuxuu ku oofsaday da’da 63, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 9= 63 Subxanallaah!!.
Wuxuu Ilaahay siiyey 7 carruur ah, taasoo lamid ah raqamka 7.

Saxiixeyka waxaa kusugan oo nebiga (NNKH) laga soo weriyey inuu yiri ”Qofkii dulmiya taako in la eg oo dhul ah, waxaa maalinta Qiyaama qoorta loo suri doonaa 7 dhul oo lagu oran doonaa jiid”.

Waxaa kaloo sugnaatay in nebigu (NNKH) uu yiri ”Wallaahi waxaan Rabbigey u toobad keenaa maalintii 70 mar”. Werin kale in kabadan 70 mar. Tirada 70-na waa raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.

Waxaa kaloo nebigu (NNKH) uu inoo sheegey dembiyada muubikhaatka (lagu hallaagsamo) inay yahiin 7. Wuxuu kaloo inoo sheegey in Ilaahay hadhkiisu ay maalinta Qiyaamaha hoos hadhsan doonaan 7 koox.  
Intaas kadib, aqriste kaalay aan ogaanno sha’niga raqamkan ee tartiibka Quraanka kariimka, marka ugu horreysa ee lagu xuso iyo marka ugu dambeyso.

Sidaan horey usoo xusnay raqamka ugu horreeyo ee Quraanka kariimka tartiibkiisa kusoo arooray waa raqamkan 7, sidoo kalena raqamka ugu dambeeyo ee tartiibka Quraanka kusoo arooray waa isla raqamkan 7.

Haddaba aynu qeexno arrinkaasi, oo aan bal fiirinna calaaqada labadaasi aayadood ee uu raqamka kusoo kala arooray (tan ugu horreyso oo ku jirta Al Baqrah iyo tan ugu dambeyso oo kujirta An Naba).
XAQIIQADA KOOWAAD Aayadda kowaad ee raqamka 7 uu kusoo arooray waa aayadda 29d ee suuradda 2d ee Quraanka Al Baqrah. Waa tan:

(هُوَ الَّذِي خَلَقَ لَكُم مَّا فِي الأَرْضِ جَمِيعاً ثُمَّ اسْتَوَى إِلَى السَّمَاء فَسَوَّاهُنَّ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ وَهُوَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ)
[البقرة: 2/29}
Aayadda ugu dambeysa ee uu raqamka 7 kusoo aroorayna waa aayadda 12d ee suuradda 78d- An Naba. Waa tan:
(وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعاً شِدَاداً)
 [النبأ: 78/12].

Labada suuradood ee ay labadaasi aayadood ku kala jiraan (Al Baqrah iyo An Naba) waxaa u dhaxayso 77 suuradood, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.

7x 11= 77 Subxanallaah!!.

Aayadda ugu horreysa ee Raqamka 7 uu kusoo arooray (aayadda 29d ee Al Baqrah) iyo aayadda ugu dambeyso ee raqamka 7 uu kusoo arooray (aayadda 12d ee suuradda An Naba) waxaa u dhaxeeyo 5649 aayadood, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 807= 5649 Subxanallaah!!.

XAQIIQADA LABAAD Billawga suuradda ugu horreysa ee uu raqamka 7 kusoo arooray (Al Baqrah) illaa dhammaadka suuradda ugu dambeyso (An Naba) ee uu raqamka 7 kusoo arooray haddii aad fiiriso aayadaha intaas u dhaxeeyo waxaad heleysaa 5705, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 815= 5705 Subxanallaah!!.
XAQIIQADA SADDEXAAD Aayadda ugu horreyso ee raqamka 7 uu kusoo arooray (Al Baqrah: 29) waa aayadda 29d, waxaa ka kaga hormaray bisinka suuradda (macna waxaa ka horreeya illaa billawga suuradda) 28 aayadood, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 4= 28 Subxanallaah!!.
Sidoo kale aayadda ugu dambeyso ee raqamka 7 uu kusoo arooray (An Naba: 12) waa aayadda 12d, waxay bisinka suuradda uga hor martay (macna waxaa ka dambeeya illaa dhammaadka suuradda) 28 aayadood, taasoo lamid ah raqamka 7 oo dhowr jibbaaran.
7x 4= 28 Subxanallaah!!.
Subxanallaah, ma awoodna wax kale inaan dhahna mooyaane Subxanallaah!!. Wallaahi Rabbiyoow!! haddii aanad na hanuunin ma aynaan hanuunneen, adigaa mahad leh.
WD: Mohammed Tahir Abdi Email: mohamed1@live.fi
_________________________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan karo idan la’aan