Theresa May oo war cad ka soo saartay mustaqbalka dadka midowga Yurub ee UK ku nool

London (Caasimada)– Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay inay dooneyso in saddex milyan oo ah muwaadiniin ka soo jeeda waddamada Midowga Yurub ee ku nool Britain ay joogaan, ka dib ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Mrs May ayaa sheegtay inay yeelan doonaan xuquuqo la mid ah kuwa ay muwaadiniinta Britain u leeyihiin caafimaadka, waxbarashada, faa`iidooyinka iyo lacagaha dadka howlgabka noqda la siiyo.

Dowladda ayaa sameyn doonta wax walba oo ay awooddo si ay u fududeyso hannaanka u damaanad qaadaya xaqa ay u leeyihiin inay sii joogaan muwaadiniinta Midowga Yurub ee Britain ku noolaa muddo shan sano ah.

Madaxa midowga Yurub u qaabilsan wadaxaajoodka ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, Michel Barnier, ayaa sheegay in ujeeddadiisa ku aaddan xuquuqda muwaadiniinta ay ahayd in lagu guuleysto dhowrid la mid ah tan sharciga Midowga Yurub uu dhigayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com