Turkiga oo jawaab kulul ka bixiyey dalab daan-daansi ah oo ka yimid xulufada Sacuudiga

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ku gacan seertay dalab ka yimid afar dal oo Carbeed oo ku saabsan inay xirto saldhiggeeda milatari ee dalka Qatar, ayada oo sheegtay in saldhiggaas uu damaanad qaado ammaanka gacanka carbeed.

Waxay dalabka kasoo baxay xulufada Sacuudiga ku qeexday faro-gelin cad oo lagu sameynayo xiriirka ay la leedahay Qatar.

Wasiirka gaashaandhigga dalka Turkiga, Fikri Isik ayaa sheegay in weli uusan arag dalabka dalalka carbeed, hase yeeshee waxa uu sheegay in Turkiga marnaba aanu isbeddel ku sameyn doonin heshiiskii Qatar ay la galeen 2014-kii ee saldhiggaas lagu sameeyey.

Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn ay 13 dalab oo ay u gudbiyeen Qatar ku dareen in la xiro saldhigga Turkiga.

“Saldhigga Qatar waa saldhig Turkey iyo mid sugaya amniga Qatar iyo gobolkaba. Waa saldhig muhiim ah, mana jiro dal faro-gelin ku sameyn kara” ayuu yiri wasiirka.

Turkiga ayaa kordhiyey ciidamada iyo qalabka milatari ee saldhigga Qatar ka jooga, wixii ka dambeeyey markii dallaka carbeed ay go’doomiyeen dalka Qatar.

Dowladda Turkiga ayaa taageerta Qatar, waxaana madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdogan uu go’doominta Qatar ku macneeyey “mid ka baxsan qayimka Islaamka iyo bani aadannimada”

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
caasimada@live.com