Turkiga oo shidaal ka baari doona meelo ka mid ah Somalia.

Shirkadda saliida iyo gaaska Turkiga ee Genel Energy Plc, ayaa howl shidaal sahmin ah ka billaabi doonto waqooyi bari Somalia, sanadka soo socda.

Waxaa sidoo kale xigi doona in shidaal qodis la billaabi doono, rubaca labaad ee sanadda 2014, haddii lagu guuleysto sahminta 2013, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan shirkadda.

Shirkaddaas oo ka diiwaan gashan suuqa saamiyada London, ayaa waxa ay heysataa xuquuq ay shidaal sahmin kaga sameyso Block 13 iyo Block 10B ee deegaanada maamulka Somaliland ee waqooyiga Somalia.

Goobta shidaalka laga baarayo ayaa qaab ahaan waxa ay shabahdaa dalka Yemen, waxaana suurta gal ah inay ku jirto saliid dhan hal bilyan oo barmiil, sida ay saraakiisha shirkadda sheegeen.

“Somaliland, waxa ay in siineysaa fursad deegana oo wnaaagsan, oo bilow fiican u noqon karta howl galkeena gobolka” ayuu yiri afhayeen u hadlay shirkaddaasi Turkiga oo la yiraahdo Andrew Benbow.

Shirkadda Genel Energy ayaa diiday inay ka hadasho xaalad siyaasadeed ee tani ka dhalan karta maadaama aysan fasax ka heysan Dowladda Somalia, oo caalami ahaan loo aqoonsan yahay tan maamusha Somalia oo idil, oo ay ku jirto Somaliland.