Ugaaska Xawaadle oo lasoo shir tagay shuruudo cusub

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Hiiraan ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan maamulka Hirshabelle kuwaasi oo shirar la leh Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan.

Mas’uuliyiinta ka socta maamulka Hirshabelle ayaa waxaa horboodaaya Madaxweynaha maamulka Cali C/laahi Cosoble.

Kulamadan socda ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sida Ugaaska Beesha Xawaadle uu qeyb uga noqon lahaa maamulka Cusub, isla markaana uu uga qeybgali lahaa munaasabada caleemasaarka oo dhaceysa maalinta bari ah.

Cosoble ayaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif u adeegsanaaya Siyaasiyiin reer Hiiraan ah oo ay aad isugu dhow yihiin Ugaaska kuwaasi oo ku qal qaalinaya an sidii uu Jowhar u tagi lahaa, isla markaana uga qeyb geli lahaa caleema saarka.

Wararku waxa ay sheegayaan in wadahadalka uu iminka maraayo meel wanaagsan, balse Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu ka qeybgalka Caleemasaarka ku xiray xujo suuragal ah in loo aqbalo.

Shuruudaha uu Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ku xiray Madaxweynaha Hirshabelle iyo Xubnaha la socda ayaa waxaa kamid ah in Xildhibaanada Hiiraan ka imaanaya aan lagu soo xulin magaalada Muqdisho iyo Jowhar, waxa uuna taa bedelkeeda dalbaday in lagu xulo magaalada Beledweyn, isla markaana loo madax banaaneeyo isaga inuu soo xulo, maadaama uu ka mid yahay 135 oday.

Shuruudaha Ugaas Xassan ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in Xildhibaanada uu soo xulayo uusan ku lug lahaan doonin Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa sidoo kale shuruudaha Ugaas Xasan kamid ah in miisaan muuqda uu ku dhexyeesho xubnaaha Aqalka sare ee ka imaanaya Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble, ayaa rajo ka muujiyay qancinta Ugaaska Xawaadle, waxa uuna sidoo kale sheegay in ahmiyad gaara ay u leedahay in Ugaas Xasan uu ka qeybgalo Munaasabada.

Lama oga si uu noqon doono is fahanka Maamulka Hirshabelle iyo Ugaaska Xawaadle, waxaana lagu wadaa in maalinta beri ah magaalada Jowhar uu ka dhaco caleemasaarka Madxaweynaha cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com