Uganda iyo QM oo maanta ka shiraya arrin muhima oo ku saabsan Somalia

Afhayeen u hadlay dowladda Uganda ayaa sheegay in saraakiil ka socota xukuumadda Kampala ay maanta (isniin) la kulmi doonaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe, ayaga oo kala hadlaya arrin ku lug leh ciidamada dalkaas ka jooga Somalia.

Uganda waxa ay dhowaan ku goodisay inay ciidamadeeda kala baxeyso saddex dal oo African ah oo Somalia ay ku jirto. Labada kale waa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Africa.

Waxa ay taas u sababeysay warbixin ay soo saareen khuburada QM ay ku eedeysay inay hubeyso mucaaradka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Fred Opolot oo sidoo kale ah agaasimaha xurunta warbaahinta Uganda, ayaa sheegay in kadib la kullanka QM, ay xukuumadda Kampala go’aan ka gaari doonto, haddii ay ciidankeeda kala baxeyso Somalia iyo in kale.

“Kadib kullankaas, wasiirka Isgaarsiinta iyo Taknoolajiyadda Dr. Ruhakana Rugunda, ayaa dib ugu soo laaban doona Kampala, kadibna go’aan ayaynu qaadan doonaa” ayuu yiri Opolot.

“Uganda waxa ay xaqiijisay in xaalad caadi ah dib loogu soo celiyo Muqdisho iyo meelo badan oo ka mid ah Somalia, sidaa darteed haddii ay qasab noqoto inaynu ciidankeena la baxno, ma noqon doonto mid ay Soomaalida ku farxaan, waxa ay noqon doonata mid ay ku qaataan si dhib badan” ayuu sii raaciyay.