Jubaland oo difaac yaab iyo been ah u sameysay xadgudubkii Kenyatta

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa difaac yaab iyo been ah u sameeyey xadgudubkii uu madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta ku sameeyey madaxbanaanida Soomaalida, kadib markii shalay uu booqday magaalada Dhoobley isaga oo aan soo wargelin dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland oo la hadlay Idaacadda Risaala oo kamid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in Mr Kenyatta uu yimid degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Maxamuud Sayid Aadan, wuxuu sheegay in madaxweynaha Kenyatta xitaa uusan imaan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, ayna been abuur tahay inuu yimid degmada Dhoobleey.

Wuxuu u sheegay warbaahinta Soomaaliyeed iyo tan Kenya inaysan warar been abuur ah ka tabiyaan deegaanada maamulkooda uu ka taliyo ee Jubbaland, sida uu sheegay.

Madaxtooyadda Kenya ayaa shalay Gelinkii dambe si rasmi ah u shaacisay Booqashadii Madaxweynaha Kenya uu ku tagay Dhoobley  oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Sawiro la soo qaaday ayaa muujinaya madaxweynaha oo tahay xero ciidan iyo Teendhooyin ay ku jiraan ciidamada dhaawac ah ee u dhashay dalka Kenya.

Dowladda Soomaaliya dhankeeda kama aysan hadlin jiritaanka in madaxweynaha Kenya uu shalay tahay magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com