Uhuru iyo Farmaajo oo shaaciyey waqtiga duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi la billaabayo

Nairobi (Caasimada Online) – Duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa si toos ah loo bilaabi doonaa, sid auu shaaca ka qaaday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay arrintaas isku raaceen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Farmaajo iyo Kenyatta oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Nairobi, ayaa isla gartay in diyaaradaha ka tagaya Muqdisho laga joojiyo inay sii maraan magaalada Wajeer ee dalka Kenya, taas beddelkeedna ay toos u gaaraan Nairobi.

Arrintan ayaa ku dhici doonta laba toddobaad gudahood, sida uu sheegay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

“Waxaan madaxweyne kaga mahad-celinayaa ogolaanshahaaga in duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi ee tooska ah lagu billaabi laba toddobaad gudahood” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Arrintan ayaa waxaa horey isugu raacay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kenyatta markii uu Muqdisho yimid bishii September ee sanadkii tagay, hase yeeshee waqtigii saddexda bil ee arrintaas loo qabtay kuma aysan dhicin, waxaana hadda kasoo wareegtay lix bilood.

Kenya ayaa sidoo kale ballan qaaday in dhammaan dadka hayska baasaboorka Soomaaliga ee diblomaasiga ee Kenya imanaya aan looga baahnaan doonin wax Visa ah.

Madaxweyne Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in la furi doono xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ee dhinaac Dhoobley oo muddo xiran.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com