Ujeedada iyo arrintii Kenya ay Farmaajo ku tustay safarkii Kenyatta ee Dhoobleey

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta ayaa booqasho lama filaan ah oo uusan ku wargelin dowladda Soomaaliya ku tagay Magaalada Dhoobleey oo Koonfur Galbeed kaga beegan Gobolka Jubada hoose.

Booqashadaan ayaa waxay noqotay mid lala yaabay oo Su’aalo badan laga keenay waxaa fikrado kala duwan ka bixiyey dadka falanqeeyo siyaasadda oo ku fasiray inay muujineyso siyaasadda ka dhaxeyso Kenya iyo Soomaaliya halka ay mareyso.

Haddaba waxaa laga warqabaa in xiriirka ka dhaxeeyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraajo iyo dowladda Kenya uusan wanaagsaneyn, waxaa horey si dhib ah loogu qanciyey Uhura inuu kasoo qeybgalo xafladdii caleema saarka ee Madaxweyne Farmaajo taasoo lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaa la filayey inuu soo wanaagsanaado xiriirka labada dowladood kadib kaso oqeybgalka xafladdaas balse xaaladda ayaa meel xun gaartay kadib Markii madaxweynaha Kenya uu booqasho ku tagay Magaalada Dhoobley oo ka tirsan dhulka Soomaaliya isagoo an wax fasax iyo ogeysiis ah soo gaarsiin dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Dadka falanqeeyo Siyaasadda ayaa  ka dhawaajiyey in booqashadaas uu Uhur ku tagay Dhoobleey ay muujineyso siyaasadda qalafsan oo ay Kenya la dooneyso dowladda Soomaaliya,.

Sidoo kalana waxaa lagu macneeyey inay Kenya dooneyso iska hor keenidda Maamulka Goboleedka Jubbaland oo dhulkaas ka arrimiyo iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya maadaama la sheegay inay arrintaas wax ka ogaayeen maamulka Jubbland oo uu hoggaamiye Axmed Madoobe .

Axmed Madoobe ayaa isaga muujiyey inuu si weyn u taagersan yahay dowladda dhexe isla markaasna wuxuu xildhibaanada Matala maamulkiisa ka codsaday inay si fiican ula shaqeeyaan madaxweynaha ay iyaga doorteen maadaama aysan jirin cid ku qasabtay.

Dowladda Kenya  tallaabadaan ay qaaday waxay si cad u muujineysaa inuusan xiriir fiican kala dhaxeyn dowladda Soomaaliya, sidoo kalana sharci yaqaanada ayaa sheegay inay tallaabadaan tahay mid aan waafaqsaneyn shuruucda Caalamiga ah.

Sida ku cad heshiisyada Caalamiga ah madaxweyne kasta oo booqanayo wadan ka baxsan wadankiisa waxaa waaajib ku ah inuu wargeliyo madaxweynaha dalkaas, haddii laga aqbalana uu tagay haddii kalana uu joogo.

Tallaabadaan yaabka badan ayaa muujineyso inaysan Kenya aqoonsaneyn dowladda cusub ee Soomaaliya oo horeyba loo ogaa inaysan siyaasad ahaan ku qanacsaneyn madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xiriirka xun ee dowladda Kenya iyo Farmaajo wuxuu soo bilawday xilligii uu dalka ka ahaa Ra’isulwasaare markaas oo uu amray Hey’adaha caalamiga ah ee ku shaqeenayey Nairobi inay si deg deg ah Xamar u imaadaan halkaan ay ugu shaqeeyaan.

Amarkaas ayaa kadib ku noqoday dowladda Kenya wixii markaas ka dambeeyana waxay ka shaqeeneysay sidii ay ula dagaalami laheyd ninkaan ay ka muuqato wadaninimada iyo Soomaali Jaceylka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inuu si deg deg ah uga hadlo tallaabada qaldan oo uu qaaday madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta oo muujiyey inaysan Soomaaliya ka jirin wax dowlad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com