Uma baahnid sankaaga si aad wax u uriso (Barnaamijkan qariibka ah ayaa lasoo saaray)

KunKun Application, waa barnaamij lagu xirayo taleefoonkaaga gacanta kaasoo magaciisa marka Afsoomaaliga lagu turjumo noqonaayo ‘Urin ama Shiirin’.

Barnaamijkaani wuxuu ka mid noqday barnaamijyada qariibka ah ee taleefoonnada gacanta ah lagu xirto kaasoo ay sameysay shirkadda fadhigeedu yahay dalka Japan ee Konika Minolta.

KunKun Application, wuxuu ka caawinayaa dadka isticmaalaya in aysan marnaba sankooda si toos ah ugu urin waxyaabo laga yaabo inay aad u shiirayaan, shiirinta cagta ama kilkisha.

Bedelkeeda adigoo isticmaalaya KunKun Application wuxuu kuu sahli doonaa inaad anteenadiisa yarta ah ku taagto halka aad dooneyso inaad shiiriso ka dibna wuxuu kuusoo gudbin doonaa shiirka rasmiga ah ee uu leeyahay sheygaasi, isagoo kuusoo marsiinaya taleefoonkaaga waase haddii uu yahay smartphone.

Qalabkaan ayaa telkaaga la bari doonaa ka dibna isaga ayaad isticmaaleysaa bedelkii sankaaga

Hiroshi Akiyama, waa INJINEER 43 sanno jir ah oo u dhashay dalka Japan isaga ayaana sameeyey barnaamijkaan KunKun App. Wuxuuna daaha ka qaaday in sababtii uu u sameeyey ay aheyd in inta badan ragga dhaafay dhallinta 40aad ay dhibaato ku qabaan shiirkooda, iyagoo hadana ka xishoonaya inay hubiyaan shiirka qeybo ka mid ah jirkooda marka ay marayaan fiyaalaha magaalada.

Sidaas darteed shirkaddiisa Konika Minolta iyo Osaka Institute of Technology ayaa iskaashaday waxayna soo saareen barnaamijkii ugu horreeyey ee dadka ka caawinaya inay wax shiiriyaan iyagoo aan isticmaaleyn sankooda.

Si aad u isticmaasho barnaamijkaan waxaad markasta u baahan doontaa inaad qaadato moodham yar, laakiin qiimaha uu joogo KunKun Modem illaa haatan daaha lagama qaadin.

Halkaan hoose ka daawo muuqaal kuu sharraxaya sida uu u shaqeeyo barnaamijkaani.