Ururada diimaha iyo xaquuqul insaanka Mareykanka oo ka digay go’aanka Trump

In ka badan 50 Urur oo isugu jira diimaha kala duwan, Dadka u dooda xauuqda dadka laga tirada badanyahay, Hay’adaha taakuleeya Qaxootiga iyo Sinaanta ayaa yeeshay shir ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan amarkii uu soo saaray Madaxweynaha Mareykanka ee loogu diiday in ay dalkaas soo galan dadka ka soo jeeda 7-da dal oo Muslim ah.

Shirkaan waxaa hadalo kul-kulul ka jeediyeen Madaxda Hay,ada Taakulaynta iyo dib u dajinta Qaxootiga ee CRIS, madaxa Dalada iskaashiga dadka kala Diimaha ah ee FAITH IN BUPLIC LIFE, hay,ada xuquuqda dadka Muslimiinta ee CAIR iyo Hogaamiyeyaal ka socday Diimaha iyo shucuubta kala duwan ee Mareykanka.

Waxa ay ku tilmaameen amarka Madaweyne Donald Trump mid lagu faquuqayo Diimaha Dad gaar ah taasna ay ka hor imaaneyso dastuurka Mareykanka,  ayagoo intaas ku daray in aysan marnaba ogolaaneyn in dadka muslimiinta loo diido soogalistooda Mareykanka.

Qaar ka mid ah dadkii shirka ka hadlay ayaa sheegay in arintaan ay ka dhalan karto takoorid iyo isir naceyb ka dhan ah Muslimiinta Mareykanka, waxaa ay ugu baaqeen golaha baarlamaanka in marka ay ka fariistaan arinkaan 24-ka bishan ay laalaan ama ay diidaan ayagoo kaashanaya waxa uu dastuurku ka qabo.

Ka qeybgalayaasha ayaa siwadajir ah u taageeray Go,aanka uu mar kale qaatay Gudoomiyaha Maxkamada Federaalka ee Gobolka Hawai kaas oo is hortaag ku sameeyay amarka madaxweyne Trump.

Agaasimaha Maamulka Masaaajidka Abuu Bakar Sadiiq ee magaalada Columbus, Ohio Horseed Cayni ayaa uga mahadceliyay Madaxda Ururaddii ka qeyb galay shirkaas muujintooda sida ay uga soo horjeedaan xanibaada iyo dareenka qalafsan ee ka dhanka ah Muslimiinta.