Video: Baarlamanka Puntland oo u codeeyey heshiisyadii DP World iyo CCECC iyo natiijo…

Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamulka Puntland oo maanta oo Khamiis ah yeeshay Kal fadhigoodii 39-aad oo ay kaga doodeen heshiiskii Puntland ay la gashay Shirkadaha DP World iyo Shirkadda CCECC ayaa cod aqbaliyad ah ku ansixiyay heshiiskaasi oo uu barlamaanku maamul goboleedka Puntland horkeenay Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee maamulkaasi.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo dood ka yeeshay Heshiisyada iyo qaabka loo ballaarinayo dekeda ayaa su’aalo ku aadan heshiisyada weeydiiyay sii hayaha xilka wasiirka Dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage iyo Agaasimaha Hay’adda Macdanta.

Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 60 mudane ayaa 59 kamid ah u codeeyeen in la ansixiyo heshiiska shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha barlamaanka Puntland axmed Cali Xaashi.

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa sidoo kale isla maanta meel mariyay heshiis kale oo maamulka Puntland la galay shirkada CCECC ee laga leeyahay dalka Shiinaha oo ku saabsanaa dhismaha wadada Garoowe iyo Eyl iyo dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Puntland ayaa Shirkaddan CCECC mashaariicdaan bedelkeeda ruqsad u siisay inay heshiis shidaal baaris iyo macdanba ka sameeyso deegaanada Puntland.

Siciid Faarax Maxamuud oo ah agaasimaha hay’ada macdanta iyo shidaalka Puntland oo Baarlamaanka faah faahin ka siiyay heshiisyada Puntland ay la gashay shirkada  CCECC ayaa tilmaamay in heshiiskan uu kocbcinayo kaabayaasha dhaqaalaha isla markaana fursad uu u yahay bixinta deeynta dhismihii hore ay shirkadaan ugu sameeysay garoonka Boosaaso, lacagtaas oo gaareyso 12 milyan oo dollar.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis 
Caasimada@live.com