Video: Astaamo muujinaya in badda Somalia ay gacanta ka baxday (Garyaqaan xog-warramay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Cali Kheyre waa garyaqaan Soomaaliyeed oo caalami ah. Waxa uu markii ugu horreysay ka hadlayaa arrinta badad Soomaaliya, muranka la geliyey iyo dadaalka Kenya ay ku boobeyso ayada oo gacan ka heleysa dad Soomaali ah.

Muuqaalkan waxa uu Axmed uga hadlayaa sir badan oo ku saabsan badda Soomaaliya oo inta badan shacabka aysan ka war-hayn iyo sida dowladda Soomaaliya ay qeyb uga tahay boobka badda Soomaaliya.

Axmed waxa uu shaaca ka qaaday in inkasta oo ay jirto in dowladda Soomaaliya ay dacwad u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, haddana ay muuqdaan ficillo lagu xagal daacinayo kiiskan.

Daawo muuqaalkan hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com