Video: Maryam Qaasim oo jawaab cajiib ah siisay Sheekh Umal

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Gargaarka Maryan Qaasim ayaa jawaab ka bixisay hadal kasoo yeeray Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo u muuqday mid uu ku duray kaasi oo uu xalay ka jeediyey magaalada Nairobi.

Sheekh Umal oo ka jawaabayey su’aal lasoo waydiiyey oo aheyd “Wasiirada is casishay soo suuragal maahan inay wadaadada wadada u galeyn oo xilkii ka boobeyn”, ayaa sheegay in haddiiba wasiiradda ay isku casishay lacag dad masaakiin loo waday darted, in markii horeba ay ahayd in la ceyriyo.

Maryam Qaasin oo barteeda twitter-ka soo dhigtay jawaab ayaa soo qaadatay aayad ka mid ah suurat Al-Isra, oo ay Umul ugu sheegtay inuusa ka hadlin wax uusan ogeyn.

Hadalkii Sheekh Umal hoos ka daawo.