Video: Shaqsiyaad caan ka ah dunida oo ka qeyb galaya gurmadka abaaraha Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa qaar kamid ah Caasimadaha dalalka reer Galbeedka ka socda ololo loogu gurmanaayo dadka Soomaalida ee abaaruhu saameeynta xoogan ku yeeshen.

Ololaha ayaa waxaa ka qeybqaadanaaya qaar kamid ah Jilayaasha, Ciyaartoyda iyo dadka caanka ka ah dalalka reer Galbeedka iyo guud ahaan Caalamka.

Dhinacyadaani ka dhex muuqda Shacabka Reer Galbeedka ayaa xiriir toosa la sameynaaya Shirkada Turkish Airlines oo ah tan kaliya ee caalamiga ah ee tagta Soomaaliya si ay u qaado Gurmadka raashiinka ee lagu iibiyay dhaqaalaha kasoo xarooday bandhigyadooda.

Qaar kamid ah Jilayaasha, Ciyaartoyda iyo dadka caanka ayaa maamulka Shirkada ka dalbaday in lasiiyo fursad ay Gurmad ugu qaado dalka Somalia maadaama ay iyadu tahay tan kaliya ee socdaalka ku gaarta Somalia, marka la eego Shirkadaha kale.

Waxa ay dalbanayaan in mar la baajiyo Safarka ay ku gaareyso Somalia si loo daabulo Gurmad ay ugu tallo galeen Soomaalida ay saameysay abaarta.

Qoraal lagu baahiyay Beejka Shirkada ay ku leedahay Twetter-ka, ayaa waxaa si degdeg ah loogu soo jawaabay Codsiga kaga imaaday Jilayaasha, Ciyaartoyda iyo dadka caanka waxa uuna Maamulka Shirkada Turkish Airlines sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay aqbalaan oo ay ka qeyb qaataan gurmadka.