Video: Sheekh caana oo u digay madaxda dalka

Minneapolis (Caasimada Online) – Sheekha weyn ee Soomaaliyeed Sh Maxamed Idris Axmed ayaa digniin culus u diray Madaxda Dalka Soomaaliya iyo cid walba oo doonaysa in ay Xil qabato, mar uu ka hadlayey Masjidka Abuubakar ee Magaalada Minneapolis, Wuxuuna Sheekha ka deyriyey hantida Qaranka oo la lunsanayo.

Sheekh ayaa garaacay Miiska waxaana isbadalay jawiga Masjidka isagoo ka hadlayey xog ku aadan kheyraadka uu dalka leeyahay oo la soo bandhigay isagoo mid mid u sheegay hadana dadka Soomaaliyeed ay u dhimanayaa Macluul iyo Gaajo Xilli dalka Soomaaliya ay ka buuxaan Dahab iyo Xoolo balse la doonayo in laga soo saaro.

Dhanka kale Sheekh Maxamed Idiris ayaa ka hadlay Muranka Badda Soomaaliya ee la geliyey wuxuuna ku eedeeyey dad Soomaali ah oo Masuuliyiin isku sheegaya , wuxuuna taabtay in Badda Soomaaliya aysan horey buuq ugu jirin lana yaqaano xuduudaha badda Soomaaliya ay leedahay loona baahnaa cidii dacwo qabta oo wax ka maqan ay iyada dacwooto.

Sheekha Ayaa Fariin u diray Madaxda jeebka lacagta gashanaya oo daarar waa weyn ka dhisanaya wadamada shisheeye wuxuuna farta ku goday halka uu lacagtaasi ka keenay, isagoo Tusaale usoo qaatay inta uusan xilka qaban shalay in uu wadamada hormaray uu ceyr ama Gunno uu cuno ka qaadan jiray Sanad gudahiisna uu daar ku dhistay.

Hadaba Muxaadara oo Muhiim aheyd oo hadana dheereyd ayaa ka soo qaadanay qeybta uu sida gaarka ah ula hadlayo dadka masuuliyada qaadaya iyo kuwa hada doonaya waxaadna ka daawan kartaa qeybta hoose waxana ciwaankeeda yahay ilaalinta Amaanada Sheekh Maxamed Idiris 2015.

Halkan ka daawo

Mohamed Muse Noor (Deeqdarajo)
Deeqdarajo36@hotmail.com
Minneapolis, USA