Video: Somaliland oo ku jahwareersan Khatuumo iyo tageerayaasheedii Lascanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga maamulka Somaliland u qaabilsan wadahadalka ay kula jiraan kooxda Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galeyr ayaa todobaadkan sheegay in dib loo dhigay shirkii lagu waday in 10ka bishan uu ka dhaco magaalada Burco.

Heshiiskii horudhaca ahaa oo ay 17kii bishii June wada gaareen Somaliland iyo Khaatumo ayaa ka koobnaa qodobo dhowr ah oo ay kamid ahayd in heshiiska dhameystiran lagu soo bandhigi doono shirka lagu waday inuu ka dhaco magaalada Burco 10ka bishan Luulyo.

Dhinaca Somaliland ayaa sheegay in ay lasoo daristay arrimo farsamo oo shirka dib loogu dhigay illaa 24ka bisha, arrintan oo uu ku gacan seeray Cali Khaliif Galeyr oo isagu hada ku sugan tuulada Widh Widh.

“….Heshiiska wuxuu ahaa in shirka la qabto 10ka July, Somaliland kaligeed ma bedali karto xiliga loogu talo galay, anaga waxna kalama socono dib u dhigida shirkaasi, hadii Somaliland ay imaan weydo xiligii loogu talo galay waxaan u arkaynaa inay heshiiskii iyada ka baxday….Hadii Somaliland isleedahay Qanciya kuwo la jooga, ha ogaadaan kuwaasi waa Wasiiradooda….” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

Taageerayashii Laascaanood

Dib u dhaca ku yimid dhameystirka heshiiska Somaliland iyo Khaatumo ayaa salka ku haya gadood ka yimid dhinac siyaasiyiinta ay isku beesha yihiin Galeyr oo iyagu horey uga mid ahaa maamulka Somaliland, kuwaasi oo xoogooda ku sugan magaalada Laascaanood.

Siyaasiyiinta Beesha Dhulbahante qeybtoodii horey uga mid ahaa Somaliland ayaa u arka wadahadalka Khaatumo iyo awood qeybsiga lagu sheegay heshiiskii horudhaca ahaa uu noqon doono mid wax u dhima heshiiskii ay horey ulla galeen Hargeysa.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey dhaq dhaqaaq xoogleh wadeen xubno uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo isagu xubin ka ahaa guddigii wadahadalka ee dhinaca Somaliland, isla markaana Khaatumo u aragto inuu kamid yahay xubnaha majaxaabinaya heshiiskii ay la geli lahaayeen Somaliland.

Waxaa la hadal hayaa shir 15ka bishan Luulayo lagu wado inuu ka dhaco Hargeysa oo dhexmaraya qaar kamid ah Siyaasiyiinta beesha Dhulbahante ee horey uga mid ahaa Somaliland iyo xukuumadaasi iyagoo ka wadahadlaya cabashada ka timid taageerayaashooda Laascaanood ku sugan iyo qaabka loo wajahayo awood qeybsi kasta oo ku dhisan qaab beeleedka, iyagoo ku doodaya in beesha Dhulbahante aysan matelin Cali Khaliif Galeyr iyo kooxdiisa, waa siday hadalka u dhigeenee.

Shirkaasi dhici doona 15ka ayaa ah ahmiyada ugu weyn ee loo baajiyey shirkii ay Somaliland iyo Khatuumo ku balansanaayeen inay ku kulmaan 10ka bisha magaalada Burco.

Guddiga Somaliland u qaabilsanaa wadahadalka oo Salaasadii shir jaraa’iid ay qabteen ku sheegay in shirka Burco ay kasoo qeyb gali doonaan xubno kooban oo kaliya oo ka kala socda guddiyada qaban qaabada ee Somaliland iyo Khaatumo, balse aysan ahayn mid ay kasoo qeyb gali karaan dhamaan beelaha.

Somaliland ayaa sheegtay in Khaatumo ka been shegtay habka shirka Burco u dhacayo iyagoona ku adkeystay in dib u dhigista shirka Burco ay salka ku heyso arrimo farsamo.

Weli jawaab kama soo bixin dhinaca Somaliland hadalka kasoo baxay Cali Khaliif Galeyr oo sheegaya in hadii wakhtigii loogu talo galay shirka ee 10ka July uu dhici waayo, ay dhinacooda u arki doonaan in Somaliland ka baxday heshiiskii ay wadagaleen 17kii June.