Video: Xiisadda Mareykanka iyo Israel oo meel xun gaartay iyo Kerry oo hadal aan laga fileyn sheegay

Washington DC (Caasimada Online) – Waxaa mar kale sii xumaatay xiisada ka dhex taagan Xukuumada xilka kasii dageysa ee Maraykanka ee uu hogaamiyo Barack Obama iyo maamulka Israel kadib khudbad uu soo jeediyey Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka John Kerry oo sheegay in dhul boobka-Isra’iil ay tahay caqabada ugu weyn ee hortaagan Nabada Bariga Dhexe.

Kerry oo khudbadan soo jeediyey maalmo kadib Qaraarkii kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu cambaareeyey Isra’iil dhul boobka ay ka wado deegaankii ay qabsatay kadib dagaalkii 1967dii, dhulkaasi Falastiiniyiinta ay leeyihiin ayaa hada laga dhisay magaalooyin ay degen yihiin dad yuhuud ah.

Arrintan ayaa ah mida hortaagan in Falastiin ay wax wadahadal ah la gasho Israel maadaama Yuhuuda ay boob ku wado dhulkii ay Falastiin damacsaneyd inay ka dhisato Wadankeeda u gaarka ah.

Beesha Caalamka ayaa rumeysan in wadada kaliya ee nabada lagu heli karo ay tahay in Falastiin iyo Israel ay noqdaan labo dal oo jaar ah oo aan isku xad gudbin, ayaa u aragta dhul-boobka Isra’iil mid meesha ka saaraya in Falastiin ay hesho dhul u gaar ah.

Dhinaca Israel ma dooneyso hadii hal dal ay sii wada ahaadaan Falastiin inay xuquuq tan yuhuuda u dhiganta ay siiso Falastiiniyiinta maadaama ay og yihiin in dadka reer Falastiin ay ka tiro badan yihiin yuhuuda sadex jibaar, isla markaana looga guuleysan karoo doorasho kasta oo dalkaasi ka dhacda.

John Kerry ayaa yiri “….Israel ha kala doorato inay noqoto wadan u gaar ah Yuhuuda ama dal Dimuquraadi ah, balse labada iskuma wada heli karto…”

Hadalkan ayaa micnihiisa uu yahay “….Israel hajoojiso dhul boobka Falastiiniyiinta degen yihiin oo haku ekaato xuduudihii ka horeyay dagaalkii 1967dii AMA ha ogolaato Hal Dal oo loo wada siman yahay Yuhuud iyo Falastiin oo dimuquraadi ah.

Khudbada ayaa waxaa si weyn uga carooday Xukuumada Israel ee uu hogaamiyo Benjamin Netanyahu oo sheegay John Kerry inuusan dhex dhexaad ahayn isla markaana uu garab u jeen jeero si lamid ah Qaraarkii Jimcihii hore kasoo baxay golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo lagu cambaareeyey Israel.

Israel ayaa sidoo kale ku goodineysa inay cadaawad u qaadeyso dalalkii xubnaha ka ahaa Golaha Amaanka ee Mooshinkan looga soo horjeeda keenay sida dalalka Senegal, Malesia iyo New Zealand oo iyagu mooshinkan dib u keenay Qaramada Midoobay kadib markii dalka Masar uu dib u gurasho sameeyey kadib cadaadis Israel usoo marisay dhinaca Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com