Virus dilaa ah oo dilaacay lagana digay & talooyin ku socda wasaaradaha DF

Bismillaah, waxaa bilihii ugu dambeeyay dhibaato badan ku hayay umadaha daga bariga dhexe gaar ahaan dalka Sacuudiga Fayras (virus) dilaa ah oo loogu magacdaray coronavirus, fayraskan oo heerka dhimashada uu sababo lagu qiyaasay ku dhawaad 30% daka uu ku dhaco, ayadoo meelaha qaar ey dhimashadu gaartay in kabadan 75% ayaa wuxuu billaabay in uu ku fido dunida inteeda kale ayadoo wadamada qaar ey billaabeen dajinta qorshooyin caafimaad oo looga hortagayo Fayraska korona.

Fayraska Korona wuxuu sababaa xaalad halis ah oo loogu magacdaray Middle East Respiratory Syndrome (MERS) oo lagu yaqaano calaamado la xariira neef-mareenka sida qunfac, curnaan, san-biyood, neefta oo qofka ku yaraata, feera xanuun, feebaro ama xumad, iyo sidoo kale hawlgabka kelyaha (kidney failure).

Fayraska Korona waxaa lagu kala qaadaa hawada, fursada in laga badbaadane kama badna surtagalnimada in loo geeriyoodo, sidaa darteed ayaa wadamada aduunka waxey bilaabeen kahortaga halista Fayraskan, laakin dalka Soomaaliya yaa umaqan?

Dalka Soomaaliya wuxuu xiriir dhaw la leeyahay boqortooyada Sacuudiga oo uu cudurku ka dillaacay ilaa iyo hadane uu u geestay dhibaatada ugu badan, maalin kasta waxaa u kicitima boqortooyada kanasoo laabta dhowr duulimaad oo sida boqolaal Soomaali ah, hal bukaan oo kamid ah rakaabka boqolaalka ah ee maalin kasta kasoo daga garoomada dalka ayaa halis galin kara nolosha kumanaan muwaadiniin Soomaali ah, waxaa igu dhaliyay qeylo-dhaantan hordhaca ah baqdinta aan ka qabo in hadii cudurkan uu dalka soo galo aanan la awoodi doonin in la xakameeyo sababo laxariira liidnaanta adeegyada caafimaad ee dalka, sidaa darteed ayaan warbixintan kusoo jeedinayaa talooyin kuwada socda sadaxda jaho ee ey quseyso arintan, wasaarada caafimaadka, waaxda socdaalka, iyo wasaarada arimaha dibada.

Waxaan ku talinayaa qorshahan ka kooban labada qodob:

1. Ayadoo la raacayo mar kasta adeega “Corona map” ee uu hirgaliyay ururka caafimaadka aduunka WHO, in Safaarada Soomaalida uga furan dowlad kasta ee uu cudurku gaaray, gaar ahaan Sacuudiga, ku waajib yeesho muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya in ey ku laabtaan dalka iyo ajaaniibtaba warqad caafimaad oo cadeyneysa in muwaadinkan ama ajnabigan uusan xambaarsaneyn Fayraska Korona, islamarkaane shirkadaha duulimaadyada lagu waajib yeelo in eysan qaadin axad aanan heysanin warqad caafimaad oo safaarada ama qunsuliyada magaaladiisa eysan tiimbareynin. Qorshahan waxaa mustaqbalka loo ballaarin karaa guud ahaan cudurada fida sida ey safaaradaha aduunkuba sameeyaan.

2. In gudaha dalka laga hirgaliyo wacyigalin guud oo laxariirta cudurkan iyo calaamadaha lagu garto, islamarkaane sheybaarada Soomaalida loo sameeyo aqoon-korosi la xariira Fayraskan.

Talooyinkan kor ku xusan waxey ilatahay in eysan adkeyn hirgalintooda, waxaan ka warhayaa in qunsuliyadaha iyo safaaradaha Soomaalida intooda badan ey haawanayaan islamarkaane eysan laheyn howl ey qabtaan, hadaba hadii ey jiraan howlo noocan ah oo muhiim u ah bulshada, maxaa diidaya in safaaradaha iyo qunsuliyadahane loogu shaqo abuuro, bulshadane wax loogu qabto?

W/Q: Dr.Axmed Xalaal

U dhaq-dhaqaaqe arimaha caafimaadka bulshada

Caadle2@hotmail.com