Waa kuma ninka lagu tuhunsan yahay weerarka New York?

Magaciisa waa Sayfullah Saipoy, sida ay qortay warbaahinta Maraykanka, waana ninka lagu tuhunsanyahay in uu geystay weerarka magaalada New York ee loo adeegsaday gaariga. Illaa 11 qof ayaa ku dhimatay weerarkaas.

Waxa uu Maraykanka tagay sanadkii 2010-kii , isaga oo ka yimid dalka Uzbekistan, halkaas oo uu ku dhashay sanadkii 1988-dii.

Waxaa la rumeysanyahay in uu ku noolaa gobolada Ohio, Florida iyo New Jersey tan iyo intii uu heley kaarka cagaaran ee u fasaxaya in uu ka shaqaysto dalka Maraykanka.

Wadaad Uzbek ah oo Maraykanka ku nool oo lagu magacaabo Mirrakhmat Muminov ayaa sheegay in wiilkan ay duufsadeen kooxo xag jir ah oo internetka uu kala xiriiray.

Wadaadkan oo BBC-da u waramay ayaa sheegay in qiyaas ahaan 70,000 qof oo Uzbek ah ay ku noolyihiin Maraykanka, kuwaas oo badankood ku nool magaalada New York oo uu weerarka ka dhacay.

Markii ugu horaysay oo ninkan uu sharciga ku xad gudbay ayaa ahayd sanadkii hore, xiligaas oo lagu ganaaxay xadgudub xagga gaadiidka ah.

Waxaa la rumeysanyahay in uu ka kici doono dhaawaca xabbada booliiska, kadibna la waraysan doono.

Waxaa jira aragtiyo la qabo oo ah in ninkan uu kaligiis maleegay weerarka, oo aysan jirin qorshe balaaran oo weerar lagu geysanayo, ama ay jirto cid soo abaabushay si toos ah.

Ninkan ayaa ka yimid magaalada Peterson, New Jersey, halkaas oo uu gaariga kasoo kireysay, islamarkaasna ay ku noolyihiin illaa 30,000 kun oo muslimiin ah.

Wasaarada arrimaha dibedda ayaa sheegtay in ay baareyso in ninkaas uu yahay nin dalkooda u dhashay.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaleeceeyay weerarka.

Haddii la xaqiijiyo dalka uu u dhashay ninkan in uu yahay Uzbepakistan, ma noqon doono qofkii ugu horeeyay ee dalkan u dhashay ee weerar lagu eedeeyo, sanadkii hore waxaa 15 sano oo xarig ah lagu xukumay weeraro uu ka qorshaynayay gudaha Maraykanka.