Waa maxay qorshaha Ethiopia ee doorashada Somalia (3-da xil ee u sarreysa)

Dowlada Ethiopia oo muddo fog ku Caan aheyd Hagardaamada Shacabka Soomaaliyeed Iyo Qaranimada Soomaaliya ayaa Doorashada Sanadka 2017, lasoo Shaac baxday Siyaasad khatar ku noqon doonta Mustaqbalka Soomaaliya haddii aan si wadaniyad ah looga hortagin.

Waa Maxay Ujeedada Qorshaha Dowlada Ethiopia ka lee dahay Doorashada Soomaaliya 2017??

Sida muuqata Ololaha Ethiopia Sanadkaan ku dooneyso Hogaanka Soomaaliya ayaa si-weyn looga dareemayaa Mogadishu. Ololahaan Dowlada Ethiopia u Wakiilatay Raga kala ah, Cabdirashiid Xidig, Shariif Xassan, Xassan Sheekh, Faarax Cabdulqaadir, ayaa hadda maraya Heerkii ugu dambeeyay ee Dowlada Ethiopia loogu Gacan-galin lahaa Hogaanka-sare Ee Soomaaliya.

Shaxda Ethiopia laga soo dhigay ayaa sidan u muuqata, Kow waa in Doorashada Guddoomiyaha Barlamaanka loogu Hiiliyaa Cabdirashiid Xidig oo Beesha Daarood ah.

Haddii Dagaalkaas Ethiopia ku guuleysato waxaa loo gudbi doonaa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo Dowlada Ethiopia la rabto Shariif Xassan Sheekh Aadan ama Xassan Sheekh, Taasoo Suurtaglnimo ka dhigi doonta in Shariif Xassan laga Dhigo Raisal-Wasaare haddii looga Guuleysto Tartanka Madaxweynaha.

Maxaa dhici doona haddii Ethiopia ay Soomaaliya u dhisto Dowlad Midabkaas leh??

1) Ethiopia waxa ay la Wareegi doontaa Hogaanka Soomaaliya Iyadoo Adeegsan doonta Qalinka Kooxaha ay Kursiga ku fariisisay.

2) Ethiopia waxa ay Balaarin doontaa Awoodeeda Milatari Bad Iyo Barriba, Iyadoo markii ugu horeysay Ethiopia ay sameysatay Wasiir Dakadaha Iyo Kaluumeysiga taasoo Fariin u ah Hanka Ethiopia.

3) Ethiopia waxa ay la Wareegi doontaa Mashruuca Amisom oo Balaayiin Doolar lagu Cuno taasoo Ethiopia u Sahli doonta inay Ciidamadeeda ku Howlgaliso Mashruuca Amisom.

4) Ethiopia ayaa lugta ku dhufan doonta Mashaariicda Soomaaliya ka socda oo ay wadaan, Turkey, Qatar, Imaaraadka, Sucuudiga, Iyadoo Taas Badalkeeda ka dhigi Doonta Mashaariic Isreal lagu soo gasho Dalka.

5) Ugu dambeyn Ethiopia ayaa Qorsheyneysa in mar kale Soomaaliya lugaha loo gasho Dagaalo Sokeeye Iyadoo la Adeegsanayo Kooxahan Magaca Soomaaliyeed wata Qaluubtoodana Addis Ababa ku xiran.

Ugu dambayntii waxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed inay fadhiga ka kacaan oo u guntadaan sidii ay dalkooda uga badbaadin lahaayeen Kooxdan ay Ethiopia oo ah cadaw aan naxariis lahayn ay doonayso inay dalkeena ku qabsato.

W/Q: Ali Jam

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com