Waa maxey Faa’iidooyinka & Khasaaraha ku jira Hub ka dhigista ka socta Muqdish? (Akhriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Muqdisho ka socda howlgal Hubka dhigis ah oo ay wadaan Hay’adaha amaanka ee dowlada Federaalka ah.

Howlgalkaani ayaa waxaa loo arkaa inuu leeyahay faa’iidooyin badan, halka dadka qaarna ay u arkaan inay badan tahay khasaaraha ka dhalankara howlgalka Hub ka dhigista ee magaalada Muqdisho ka bilowday tan iyo markii ay curatay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Beelaha qaar ayaa Hub ka dhigista u arka in lagu beegsanaayo isla markaana la doonaayo in laga qaado Hubkii ay dhowr sano u adeegsanayeen badbaadinta naftooda.

Haddaba waxaan halkaani ku kala dhig dhigi doonaa Faa’iidooyinka iyo Khasaaraha ay reer Muqdisho u leedahay Hub ka dhigista socta:

FAA’IIDOOYINKA HUB KA DHIGISTA

1-Hub ka dhigista ka socta magaalada Muqdisho waxa ay 100% badbaado u tahay Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

2-Waxa ay kala sooc u tahay Ciidamada Hubeysan ee habeen iyo dharaar usoo jeeda Badbaadinta shacabka iyo Maleeshiyaadka dhagarta u maleegaya shacabka ee isku muuqaal ekeysiinaya ciidamada.

3-Hub ka dhigista waxa ay yareeneysaa halisaha ay cadowga u maleegayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

4-Hub ka dhigista waxa ay suuragalineysaa in dalka uu xasilow isla markaana ka caaganaado dhibaatada ay shacabka kala kulmaan ciidamada aan u diiwaan gishneyn dowlada ee qaarka danbe ka saaran gaadiidka ay wataan madaxda dalka, kuwaa oo si ku tallo gal ah u toogta shacabka.

5-Dal iyo dad aan heysan ciidamo iyo amni, waxa ay ka dhigan tahay qoom aan laga ictiraafsaneyn caalamka.

6-Hub ka dhigista ka socta magaalada Muqdisho waxa ay soo dadajineysaa in dowlada ay kawarqabto dhaqdhaqaaqa amni iyo in Askari waliba lagula xisaabtami karo falka uu geysto.

KHASAARAHA KA DHALANKARA HUB KA DHIGISTA

1-In dalka uu galo xaalad Colaadeed oo laba dhinac ah

2-In DFS ay si fudud ku abuurato colaad dhanka Beelaha Soomaaliyeed.

3-In mar kale ay dib u bilowdaan dagaaladii u dhexeyn jiray dowlada iyo qabiilada.

4-Hub ka dhigista oo saameyn ku yeelata wada shaqeyntii dowlada kala dhexeysay Beelaha Soomaaliyeed.

5-Al-shabaab oo isku muuqaal ekeysiiya ciidamada difaaca ugu jira Hubkooda iyagoo weerar ku qaadaya ciidamada Hub ka dhigista.

6-Ciidamada Hub ka dhigista oo gadood dartii ugu biira maleeshiyaadka Al-shabaab.

7-Hub ka dhigista oo sababi karta in maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka macaashan Hubka ay iska sii iibinayaan ciidamada dowlada ee ka cabsida qaba in Hubka laga qaado.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Federaalka ah ee Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amaanka ayaa looga fadhiyaa in isbarbar dhig ay ku sameeyan faa’iidada iyo khasaaraha ka dhalankara Hub ka dhigista ka socta magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

SHARE