Waare oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii Balcad (Yaa lagu beddelay?)

Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta oo Khamiis ah soo xiray Kalfadhigii labaad ee Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Hoggaamiyaha Hirshabeelle ayaa inta uusan soo xirin kalfadhiga labaad wuxuu Baarlamaanka siiyay warbixin la xiriirta kulamo uu Muqdisho kula soo qaatay Madaxda Dowladda iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dhismaha Ciidamo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle uu yeesho, waxaana uu sheegay muhiim in ay tahay in la helo Ciidamo Qaran.

Waare ayaa ugu dambeyn Baarlamaanka ka codsaday in mudo bil ah ay siiyaan mudada uu ku soo dhisayo Golaha Wasiirada, gacan taag kadib xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ansixiyay.

Dhanka kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii degmada Balcad Cusmaan Maxamed Maxamuud Xaadoole, kaasoo bilo ka hor xilkaan loo magacaabay.

Madaxweyne Waare ayaa soo saaray wareego uu sheegay  in xilka Guddoomiyaha degmada Balcad loo magacaabay Qaasim Cali Nuur oo horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii 9aad.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaq xil ka qaadista iyo magacaabista