Wada xaajood 3 geesood ah oo Nairobi uga bilowday Shariif, CC iyo dowladda Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah magaalada Nairobi uga furmay wada hadal seddex geesood ah oo u dhaxeeya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif , Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Sarkiil sare sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya iyo Sirdoonka Dowladda Kenya.

Ka hor wada hadaladaan xalay sida rasmiga ah u furmay ayaa Todobaadkii la soo dhaafay, waxaa u sii gogol xaarayey Wakiilo Soomaali ah kala socday Madaxweyne Shariif, iyo Ra’iisul Wasaare Cumar kuwaasi oo kulamo qarsoodi ah magaalada Nairobi kula lahaa Saraakiisha Kenyaanka ah.

Agendayaasha wadada hadalada sida rasmiga ah uga furmay Nairobi ayaa ah.

  • In dowladda Kenya ay ku mideeyso Labada Musharax ee Sheekh Shariif iyo Cumar, si midkood midka kale u tanaasulo
  • In tageero dhaqaale lagu bixiyo labada Musharax midka la isku waafaqo in musharaxnimada lagu tageero.
  • In Labada Musharax midka Kenya ay ku taageerto noqoshada Madaxweynenimada haddii uu guuleysto uu midka kale ee tanaasulay ka dhigo Ra’iisul wasaare
  • Iyo In ay saxiixaan Cumar Cabdirashiid iyo Sheekh Shariif qoraal qarsoodi ah oo ay ku ballan qaadayaan haddii uu midkood guuleysto , si deg deg ah uu u la soo noqon doono dawacada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya .

Haddii uu isfaham ku dhamaado wadahadaladaan Seddex geesoodka ah ee Nairobi kaga furmay Labada Musharax iyo Dowladda Kenya ayaa , wuxuu culeys ku noqon karaa Madaxweynaha hadda tallada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale wuxuu meesha ka saari doonaa dhul badeedka Soomaaliya oo dowladda Kenya ay ku hanweyn tahay in ay qaadato haddii dacwada uu gudbiyey Madaxweyne Xasan Sheekh dib loo soo celiyo.

Sheekh Shariif oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey dowladda Xasan Sheekh inay xumeysay xirriika ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo dalalka deriska oo Kenya ay ku jirto, taasi oo micnaheedu yahay in ay san habooneyn in dowladda Soomaaliya ay dacwad ka gudbiso Dowladda Kenya oo isku dayeysay inay xoog iyo xeeladba ku qaadato Badda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com