Wadahadalo badan kadib muxuu yahay mowqifka Habargidr iyo Abgaal kaga aadan wasiirada cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa maalinta jimcaha ah la filayaa inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si rasmi ah ugu dhawaaqo golaha wasiirada.

Haddaba waxaa maalmo hore soo baxayey warar sheegayo inuu jiro loolan adag oo ay wadaan beelaha Habargidir iyo Abgaal oo ay ku doonayeen inay mid kasta hesho wasiirka ugu muhiimsan dowladda.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa kulamo is daba joog ah la yeeshay xubnaha baarlamaanka labadaan beel ugu jiro waxayna ka wada hadleyn arrinta ku aadan magacaabista golaha wasiirada.

Ra’isuwlasaaraha ayaa ka dhageystaan xildhibaanada beelaha aragtidooda ku aadan golaha wasiirada cusub, sidoo kalana wuxuu Kheyre ka codsaday labadaan beel inay si weyn ula shaqeeyaan xukuumadiisa cusub isagoo u ballan qaaday inuu siin doono wasaaradaha ay u qalmaan.

Xildhibaanada labadaan beel ayaa si weyn ugu qancay hadalka Ra’isulwasaaraha waxayna u ballan qaadeyn inay si weyn ula shaqeyn doonaan sidoo kalana ay ku qanci doonaan xilka uu ka siiyo wasiirada cusub.

Hadalkaan kasoo yeeray labadaan beel ayaa farxad iyo dhiiranaan u noqday Ra’isulwasaaraha Kheyre oo isna ah shaqsi kasoo jeedo Beesha Hawiye waxaana laga yabaa inuu wasiirka arrimaha gudaha iyo midka amniga qaranka uu kala siiyo labadaan beel.

Culeys Kheyre kaga yimid beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed ayaa keentay in la badiyo tirada wasiirada oo la filayey inay la mid noqon doonto middii uu Ra’isulwasaaraha u ahaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo xilligii dowladdii Shiikh Shariif.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com