Wafdi heer wasiir oo ka socdo Imaaraadka oo maanta ku wajahan Somaliland

Berbera (Caasimada Online) – Imaaraadka ayaa doonaya inuu dar dargeliyo damaciisa ku aadan in sida ugu dhaqsiyaha badan inuu saldhig Militari uu kaga sameysto magaalada Barbera, kadib heshiis dhexmaray Imaaraadka iyo Soomaaliland.

Sida ay Caasimadda u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo, maanta waxaa lagu wadaa inay Magaalada Berbera soo gaaraan wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Duulista Hawada ee Dowladda Imaaraadka Carabtay, kuwaas oo la filayo inay qiimeyn sameyn doonaan.

Ujeedka Wafdiga imaanaya Berbera, waxaa lagu sheegau inay tahay inay kormeer kusoo sameeyaan dhulka Soomaaliland ay u saxiixday , sawirana ay kaga soo qaataan , si loo fududeeyo qorshaha halkaas saldhigga looga furayo.

Wasiirka Arimaha Gudha, Wasiirka Arimaha Dibada, Safiirka Somaliland u Fadhiya Imaaraadka iyo Masuuliyiin kale ayaa u duulay Imaaraadka si ay arrimo la xirira Heshiiska la wareegista Garoonka Diyaaradaha Berbera u soo dhameystiraan oo lagu tilmaamay inuu yahay heshiis aan sharci aheyn marka loo fiiriyo sharciyada Adduunka.

Sidoo kale Masuuliyiinta ka socota Somaliland iyo Imaaraadka ayaa isla wada gorfeyn doona  hantida taala garoonka diyaaradaha Berbera iyo qaabka Imaaraadku ula wareegayaan Garoonka Berbera oo isku badali doona Saldhig Militari oo ay Imaaraadku leeyihiin, maadaama uu sidaas heshiisku ahaa.

Sida xogta Caasimadda heshay sheegeyso, waxaa la filayaa inay Imaaraadka soo dirto ciidamadeeda hordhaca u ah ciidamada ay dajin doonto Saldhigga Militari ee Berbera bishaan hadda bilaabatay ee Appril, inkastoo ay weli jiraan qeylo dhaanta dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliland iyo dowlada dariska ay halkeedi tahay, kuwaas oo si rasmi ah uga soo horjeestay saldhiggaas maadaama uu halis ku yahay jiritaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com