Waqtiga Soomaaliya ay jahwareerka ka baxayso oo qur’aanka laga qiyaasay

Dhibta haysata umadda Soomaaliyeed laga soo bilaabo burburkii dawladii dhexe ee Somalia 1991 ilaa maanta ayaa waxay noqotay mid aan dhamaan wali, oo maalinba maalinta ka sii danbaysa  xalkeedu uu sii fogaanayo.

Waa wax lagu yaqaan adduunka in hadii Dawlad ay si Fashilan u burburto ay waqti badan qaadanayso sidii ay mar Labaad dib ugu soo noqonayso sidii ay markii hore ahayd ama si kasii Fiican.

Hadaba Xaaladda ay dadka Soomaaliyeed ay iminka ku jiraan ayaa lagu Tilmaami karaa erayga Carabiga ah ee ah “ تيه”  oo Macnahiisu yahay “ Jahwareer ama iska daba Wareeg” kaas oo ku dhaca umadd ka leexatay wadaddi ismaamulida iyo kala Danbaynta, kadibna gacanta u gashay Cadaw gudaha iyo Dibadda kaga yimid kaas oo aan wax Naxariis ah u samaynaynin.

Dhibaatooyinka Umadda Soomaaliyeed Haysta ee aan ku Tilmaami karno Jahwareerka waxa ka mid ah:

1-      Dagaalo Sokeeyo oo marba Waji Cusub lasoo Baxaya.

2-      Umadda Soomaliyeed oo Qaxooti aan Hayb lahayn ku ah Dalka Gudihiisa & Dibadiisa.

3-      Kheyraadkii Dalkeeda oo waraabayaal ay Boobayaan.

4-      Kaabayaashii Dhaqaalaha dalka oo Burburay.

5-      Diintii Islaamka ee ay dhaxalka u haysteen oo dad gaar ah isku koobeen.

6-      Maandooriyaal burburiyay dhaqaalihii yaraa iyo Akhlaaqdii Bulshada.

Arimahaas iyo kuwa kale oo badan oo umadda Soomaaliyeed ku Habsaday ayaa lagu Tilmaami karaa erayga Jahwareer ama luqadda Carabiga lagu dhaho “تيه”.

Hadaba Su’aashu waxay tahay Haddi ay Umaddi si Fashilan u Burburto imisa sano ayey kusoo noqon kartaa, waxaan rabaa in aan Qur’aanka Kariimka ah oo ah Dastuurka ilaahay ugu Talagalay in Adduunkaan lagu Hago aan dib u fiiriyo gaar ahaan Aayadda 26 ee Suuradda Maa’idah aayadaas oo oranaysa : qaala

Taas oo Macnaheedu yahay “ Ilaahay wuxu yiri: Reer Banii Israil Xaaraan ayey ka tahay in Magaaladaas galaan (Qudus) Afartan sano waxayna ku Jahwareeri doonaan dhulka ee ha u murugoon (Nabi Muusaw)  kuwa Daacadda ilaahay ka Baxay).

Culumadu waxay dhahaan Sababta Afartan Sano looga Mamnuucay yuhuuda in ay Qudus galaan waxay ahayd in Jiilkaas waaweyn ee ilaahay amarkiisa diiday ay dhintaan kadibna ay soo kacaan Jiil Cusub oo ilaahay amarkiisa qaata.

Halkaas waxa laga Qaadanayaa Mudadda ay Jiilashu isku Badalaan waa 40 Sano.

Hadaba waxaynu soo Qaadanaynaa Labo Dawladood oo Carab oo ah oo Jahwareer ku dhacay Bulshadoodii iyo Qiyaasid Jaanisyadda u Banaan.

1-      Falastiin

Umadda reer Falastiin waxay Sanadkii 1947 u yaqaaniin Magaca la Yiraahdo “ النكبة”  kaas oo macnihiisu yahay Sanadkii Kurbadda iyo kadeedka, waa sanadkii ay yuhuudu si xoog ah ugu dhawaaqeen in Dawlad Madax banana yihiin oo Reer Galbeedku ay si Rasmi ah u Aqoonsadeen.

Reer Falastiin dadkii waagaas noolaa waxay galeen Jahwareer iyo Kadeed waxayna noqdeen dad la haystayaal ah oo aan xuquuqdooda difaacan Karin.

Afartan Sano kadib waxa soo Baxay Jiil cusub oo aaminsan in yuhuud laga adkaan karo waxayna Samaysteen ururo abaabulan kuwaas oo Dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah la galay Yuhuudii. Ururkii ugu horeey ee ah urur Hubaysan waxa la aasaasay 42 Sano kadib Markii Falastiin ay gashay Gumaysiga Yuhuuda, ururkaas waa Ururka XAMAAS  waxaana la aasaasay 1989.

Jiilka hadda jooga Falastiin waa ka duwanyahay kii noolaa sanadkii 1947, jiilka Hadda nool waa Jiil dhalinyaro u badan, Aqoonyahan leh, Maalqabeen leh, sidoo kale leh Xirfada Samaynta Hubka Noocyadiisa kala Duwan, waxa intaas u sii dheer Waa Jiil leh Go’aan ah in Yuhuuda Waqtigeedii uu Gabagabo yahay.

Hadaba sida laa Saadaalinayo laga soo bilaabo 1989 markaas oo iska Caabinta Yuhuuda ay Bilaabatay ilaa 2029 taas oo ah Muddo 40 Sano, waxa la Saadaalinayaa in Reer Falastiin ay Guulaysan Doonaan oo Yuhuud laga Adkaan Doono taas oo ah mid aan Hada hayno Bishaarooyinkeedii iyo Astaamaheedii.

2-      Somalia

Somaliya waa Dawlad Carbeed oo si Fashilan u burburtay, iyada Cadaw Dibada ah ma burburin laakin iyada ayaa Gacmadeeda isku Burburisay, Soomalidu waa dadka kaliya ee Aduunka Saaran ee ogol in shisheeyo Maamulo laakiin aan ogolayn in ay iyagu is Maamulaan !! Taas ayey Noqotay Boogta kaliya ee uu ka Faa’iidaystay Cadawga Soomaaliyeed.

Sidii loo dhayi lahaa Boogtaas oo Soomalidu u ogolaan lahayd in ay ismaamusho ayaa waqti badan qaadanaysa.

Hadaba hadii aan Aayadda Qur’aanka dib ugu laabano oo aan ku Dabaqno Xaalka Soomaaliya waxay noqonaysaa sidaan:

Somaliya waxay Burburtay 1991.

1991+40 Sano = 2031 waxa Lagu Jiraya Jahwareerka iyo Kadeeda waayo wali waxa Nool Jiilkii hore ee Somaliya Burburiyey.

Marka la gaaro 2031 waxa Bilaabanaya dhaqdhaqaaq Wadaniyadeed oo dhiig Cusub ku shaqaynaya kaas oo isku Dayaya in uu Xaaladda wax ka Badalo, Kacdoonkaas waxa uu Socon Doonaa 40 Sano oo kale (2031-2071) si uu Ujeedooyinkiisa u Xaqiijiyo, Somaliyana uu ugu soo celiyo sidi ahayd 1990 iyo si Kasii fiican.

Ma Rabo in aan Umadda Soomaaliyeed Niyad Jabiyo laakiin ilaahay Sunooyinkiisa uu umada kula dhaqmo ayaa waxa ka mid ah in uu San Ummad Xaaladeed Waxba ka Badalin ilaa ay iyagu dhexdooda iska Badalaan.

Ilaa iyo Hadda ma Muuqato cid si Hufan oo Daacad ah iskugu  taagtay in ay wax ka Qabtaan Jahwareerka Haysta Umadda Soomaaliyeed, ilaa iyo inta laga helayo Cid leh Sifaadkan soo Socda:

Cadaalad, Iska Wax u Qabsasho, Hufnaan, Eex La’aan, Isku Tiirsanaan, Ismaqal,Is aaminaad, waxaa Xaqiiqo ah in aan kusii jiri Doono Jahwareerka iyo Kadeedka ilaa iyo intii ilaahay Doono

W/Q: Maxamuud Xasan Naagadoon

Garowe, Somalia

Jamaalxm@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid