WARAABE: “Midnimada Somalia waa muqadas, qabiil waxba laguma noqdo”

Laascaanood (Caasimada Online) –  Feysal Cali Waraabe oo ah nin horey looga bartay hadal kuleel iyo ilaalinta gooni isku taagga Somaliland ayaa badalay hadaladiisa isagoo lasoo baxay qaab aan horey looga  arkin kadib markii uu gaaray Magaalada Laascaanood.

Feysal oo saxaafadda kula hadlayey Laascaanood ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay midnimada Soomaaliya oo aysan macquul ahen in loo qeybsamo qabiil qabiil wuxuuna yiri:

“Waxaad ogaataan inaynu wax ku noqon karno Midnimo, Soomaaliya Inaga ayay inaga Sugaysaa, Reer Waqooyi Hadii aynu Nahay waa inaynu Caqligeena Midaynaa, Soomaali waa isku mid meel ay Joogtaba, Qabiil waxba laguma Noqdo, Qaranbaa wax lagu Noqdaa, NDF, Jabuuti iyo Kililka Shanaad way ina Dhaafeen”.

Hadalkaas ayaa laga dheehan karaa inuu Feysal Cali waraabe wax badan ka badalay siyaasadiisa ku aadaneyd gooni isu taagga Somaliland, wuxuuna ka sheegay xafladii soo dhaweynta ee Cali Khaliif Galeyr oo ka dagay Laascaanood.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka hadalka cajiibka ah oo uu lasoo baxay Feysal

Caasimada Online
Xafiiska Laascaanood
caasimada@live.com