AXMED DIIRIYE CALI oo ka niyad jabay qorshihii scoda kaddib markii ay soo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Gobolada Dhexe, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhiilada colaadeed ee ka aloosan Magaalada Guriceel ee Xarunta Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Nabadoon Axmed Diiriye, ayaa saluugay dagaalada ka soo cusboonaaday Magaalada Guriceel, wuxuuna muujiyay inay ka liddi ku yihiin wada hadaladii laga dhex waday garabyada isku haaya Magaaladaasi.

Nabadoonka, ayaa yiri “Dagaalada ka soconaaya Guriceel waxay niyad jebinayaan dadaaladii laga dhex waday labada dhinac. Waxaa laga doonayaa inay xabadda joojiyaan.”

Isagoo la hadlaayay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, ayuu yiri “Waxa dhimanaya waa dad walaalo ah, waa dad ilmo adeero ah, waa dad halmeel ku wada dhashay. Waxa barakacayna waa walaalihiin ee caqligu ha shaqeeyo.”

Waxa uu ku celceliyay in la joojiyo dagaalada ka holcaaya Magaalada Guricee, haddii waxa dagaalamaaya ay yihiin dad wada dhashay.

“Xabadda hala joojiyo ayaan lee nahay waxa dhimanayo waa dad ehel ah. Cid kaloo cadow ah oo maanta laga dulqaadayo malaha.” Sidaasi waxaa yiri Axmed Diiriye.

Dagaalada Guriceel, ayaa waxay sababeen in dadkii deganaa Magaaada ay isaga cararaan guryahooda, si ay kaga nabadgalaan dagaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com