Wararkii ugu dambeeyey askariga Somali-Mareykanka ah ee dilka ka gaystay Minnesota

Minneapolis (Caasimada Online) – Caro ballaaran ayaa ka dhalatay ka dib markii askeri ka tirsan booliiska Minneapolis oo asalkiisu yahay Soomaali uu toogasho ku dilay haweenay 40 sano jir ahayd oo qeylo dhaan u dirsatay booliiska.

Sarkaalka lugta ku leh dilka haweenay u dhalatay Australia oo lagu magcaabi jiray Justine Damond ayaa tacsi u diray eheladeeda.

Maxamed Nuur oo ah sarkaalka dilka gaystay ayaa leh labo sano oo khibrad booliiska ah, waxaana uu toogtay haweenay aan hubaysan.

Nuur ayaa kamid ah koox dhalinyaro Soomaali-Amerikaan ah oo ku nool Minneapolis kuwaasi oo ka tirsan ciidamada booliiska. Magaladaasi ayaa ah halka ay ku nool yihiin jaaliyadda ugu ballaaran ee Soomaalida qurbaha ku nool.

Mathew Harrity oo ka tirsan Booliiska Minneapolis oo weheliyay Maxamed Nuur markii uu dilkani dhacayay ayaa sheegay in ay maqleen qaylo dheer, habeenimadii Sabtida ahayd xilligaasi oo ay dhacday toogashada Justine Damond.

Booliiska ayaa faafiyay qoraal ka tarjumaya, codsigii uga yimid gabadhaas oo 40 sano jir ahayd oo booliiska ku wargelisay inay maqashay qaylo dhaan la xiriirta kufsi.

Mohamed Nuur oo ah askariga dilka u gaystay gabadha, ayaa diiday in uu bixiyo waraysi ay la yeeshaan dembi baarayaashu. Maadaama uu xaq u leeyahay sida uu sheegay.

Fred Bruno oo ah qareen u hadlay Mathew ayaa Arbacadii sheegay ‘in ay macquul tahay inuu Maxamed Nuur markii uu gaaray goobta uu u haystay in haweenaydan ay ku soo qaaday weerar gaadmo ah’ .

Laba todobaad kahor ayay ahayd markii fal noocan oo kale uu ka dhacay magaalada New York, halkaasi oo lagu dilay haweenay iyo laba caruur ah oo ay dhashay iyaga oo ku dhex jira gaarigooda.

Xilliga uu dhacayay falka lagu dilay haweenaydan ayaa la sheegayaa in ay dansanayd kaamerada ku xirnayd jirka askariga dilka gaystay

Harrity iyo Nuur oo kawada tirsanaa Booliiska Minneapolis ayaa shaqada laga fariisiyay.

Ra’iisal wasaaraha Australia Malcolm Turnbull ayaa ka dalbaday dawladda Maraykanka faah-faahino dheeri ah oo ku saabsan dilka Justine Damond.

Guddoomiyaha gobolka Minnesota Mark Dayton ayaa weriyayaasha u sheeegay in uu xiriir joogta ah la leeyahay safaarada Australia.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com