Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Xeraale oo ay dhimashadu gaartay 20 qof

Xeraale (Caasimada Online) – Xaalada degaanka Xeraale oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa maanta ah mid degan, marka laga reebo rasaas goos goos ah oo saakay laga maqlayay goobtii uu ka dhacay dagaalka.

Waxaa weli is hor-fadhiya dhinacyadii dagaalamay, oo kala ah ciidamo ka tirsan ururka Ahlu-Suna iyo dad degaanka ah.

Dagaalka oo duhurnimadii Khamiista billowday ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 20 qof, halka dhaawacana uu kor u dhaafay 40 qof.

Dadka dhaawacmay ayaa la kala geeyey magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq,
Dadka degaanka qaarkood, ayaa sheegay in ay qabaan cabsi iyo feejignaan dheeri ah, taasi oo la xiriirta in markale halkaasi uu ka bilowdo dagaal, ayna ku dhow yihiin in ay barakac sameeyaan.

Dagaalka ayaa salka ku haya xiisad todobaadyadii u dambeeyey ka taagnayd deegaanka Xeraale oo u dhaxaysay maamulka Ahlusunna wal Jamaaca oo gacanta ku haya deegaanno ka tirsan gobollada dhexe iyo miliishiyo aan doonayn inay maamulka ka tirsanaadaan.

Weli rasaas goos-goos ah ayaa laga maqlayaa Deegaanka xeraale, mana jiro dadaal nabadeed oo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac. Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in halkaa loo diri doono guddi xaqiiqo raadis ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com