Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii maanta ka dhacay Gaalkacyo iyo Khasaaraha ka dhashay

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasi oo khasaare geystay.

Dagaalkan ayaa ka dhacay suuqa magaalada Gaalkacyo, waxaana uu bilowday kadib muran ku aadan goobo ganacsi oo Labada dhinac soo kala dhexgalay.

Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintey dagaalkaasi, sidoo kalena 3 kale ayaa dhaawacntay sida ay inoo sheegeen goob joogayaal ku sugan Gaalkacyo.

Xaaladda halkii lagu dagaallamay waa mid deggan, welina wax war ah dagaalkaasi kama aanay soo saarin maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dhanka kale Ciidamada Iskudhafka ah ee ka kala socda Puntland iyo Galmudug ayaa haatan ku guda jira in ay kala dhex galaan Maleeshiyaadkaas dagaalmay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com