Wararkii ugu dambeeyey magacaabistii golaha wasiirada Koonfur Galbeed oo…

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa maanta la filayey inuu Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh uu isku shaandheyn ku sameeyo golihiisa wasiirad.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya  in Dib u dhac uu ku yimid  Isku-shaandheyn lagu sameyn rabay Golaha Wasiirada Ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaaliya.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay dib u dhacday Magacaabista kadib Khilaaf ka dhashay Mas’uuliyiinta Maamulka oo ku aadan qaabka Magacaabista Wasiirada.

Maanta ayaa Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh aadan uu doonayay inuu Isku-shaandheyn ku sameeyo Golaha Wasiiradda Koofur Galbeed,waxaana Talaabadaas ka dhashay Khilaaf Sababay in isku-shaandheynta ay dib u dhacdo.

Illo  ku dhow Dhow Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Beelaha Qaar ay ka biyo diideen Isku-shaandheynta kadib markii Madaxweyne Shariif Xasan uu yareeyay Tirada Wasiirada oo markii hore ahaa 64 Xubnood,balse hadda ka dhigay 24 Wasiir.

Beelaha ayaa sheegay in ay ka  soo horjeedaan in ay waayaan Wasiiradii ay ku lahaayeen Maamul Goboleedka Koofur Galbeed,iyadoo sababtay in dib loo dhigo  Isku-shaandheynta.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa muddo badan qorsheenayey inuu isku shaandheyn ku sameeyo golahiisa wasiirada, ilaa hadda si rasmi ah looma kala xaqiijin waxa hor taagan inay arrintaan dhacdo.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska  Muqdisho
Caasimada@live.com