Wararkii ugu danbeeyay DF oo u yeertay guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u yeertay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheikh Cusmaan Barre Maxameed oo gelinkii danbe Muqdisho soo gaaray.

Wafdigii ka socday Xukuumadda Soomaaliya kuwaas oo Jowhar u joogay xal u helida xiisada ka dhex taagan Maamulka Hir-Shabeelle oo Muqdisho dib ugu soo laabtay,ayaa waxaa xigay u yeeritaanka Gudoomiye Cusmaan Barre Maxamed.

Ilo ku dhow Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa inoo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay damacsan tahay iney cadeyso mowqifkeeda khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Jowhar,islamarkaana meel u rido Xiisada siyaasadeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku dadaaleysa sidii xal buuxa looga gaari lahaa xiisada ka dhex taagan hoggaanka Hir-Shabeelle,iyada oo Cali Cabdullaahi Cosoble uu ku doodayo in xilka qaadistaas ay ka dambeysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirada gaaray magaalada Jowhar ayaa la kulmay madaxda ugu sareysa Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyagoo ka wada hadlay xal u helista khilaafka siyaasadeed.

Madaxweynihii xilka laga qaaday ee maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qanacsan tahay Qorshe xilka looga qaaday,islamarkaana laga soo abaabulay Arintaan Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.