Warbixin: Ajendaha kalfadhiga 1-aad ee baarlamanka iyo shuruudaha murashaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxaa gebo-gabo mareysa doorashada labada aqal, Aqalka hoose ee gobollada waqooyi waxaa ka dhiman 20 Xildhibaan halka aqalka sare oo aan weli la dooran uu yahay 11 Xildhibaan, marka lagu daro 2 Xildhibaan oo Banaadiriga ka dhiman, labaqa aqal waxaa ka dhiman ilaa 33 mudane.

Haweenka Aqalka hoose ku jira waa 61 Xildhibaan, 21 Xildhibaan oo dheeraad ah ayey heleen  sanadkan marka la barbar-dhigo baarlamaankii 9aad ee 2012-ka.

Hadaba, Marka ay doorashada soo dhammaato, Maxaa dhacaya? Sidee u qabsoomayaa kalfadhiga ugu horeeya, waa maxay shuruudaha lagu dooranayo murashaxiinta guddoonka  labada aqal iyo murashaxiinta u tartamaya madaxweynaha JFS?

Dhaarinta Xildhibaannada: Xildhibaan kasta waxaa uu ku dhaaranayaa: Anigoo ah………Waxaa ku dhaaranayaa magaca ilaahey inaan xilkeyga u gudanayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diinta ku jirto, dhowrana dastuurka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

Shir-guddoonka Kalfadhiga 1aad: Xildhibaannada ugu da’da weyn ee labada aqal ayaa noqonaya shir guddoon KMG ah, Shir guddoonka KMG ah ee gobolaha shacabka iyo shir guddoonka KMG ah ee aqalka sare ayaa la wareegaya kulanka wadajirka ah ee labada aqal, si todobaad gudahiisa u doortaan mid walba guddoomiyaha aqalka iyo ku-xigeennadiisa.

Doorashada guddoomiyeyaasha labada aqal iyo ku xigeennadiisa waa in loo maraa: Guddoomiyaha iyo ku xigeennada rasmiga ah waxaa lagu dooranayaa ugu yaraan aqlabiyad tirada guud ee xubnaha aqal walba (50%+1) oo codeyn qarsoodi ah.

Lacagta Murashaxa guddoomiyeyaasha labada aqal iyo ku xigeenadooda: Murashax walba oo u tartamaya guddoomiyenimada labada aqal midkood waa in uu bixiyaa US$ 15,000/- Ku Xigeennada US% 10,000 curraar ah oo aan dib loo celineyn, laguna shubayo xisaabta socota ee baarlamaanka ku leeyahay bangiga dhexe.

Guddoonka 2-bada aqal: Inta aqal weliba uu guddoon ka dooranayo waxaa jiri doono shir-guddoomiyeyaal KMG ah ee labada aqal kuwaas oo shaqadoodu tahay in ay sii guddoomiyaan inta laga dooranyo guddoon rasmi ah.

Guddi doorasho ee guddomiyeyaasha labada aqal:  Guddiga doorashada guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiyaha aqalka sare iyo ku xigeenaddooda.

Labada aqal ee baarlamaanka wuxuu mid walba dhisanayaa guddiga doorashada guddoomiyaha.

Doorashada Madaxweynaha: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Ugu yaraan saddex meelood labo tirada guud ee Gole walba ee Baarlamaanka Federaalku waa inay joogaan u codaynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.

Waa in ay murashaxnimadiisa u soo jeediyaan fadhiga labada Gole ee Baarlamaanka ugu yaraan labaatan (20) xildhibaan Golaha Shacabka ah ama ugu yaaraan hal (1) Dawlad Goboleed.

Codeynta: Labada Gole ee Barlaamanka Federaalka waxay Madaxweyne u dooranayaan murashaxa ku guleeysta aqlabiyad seddax meelood laba, tirada guud ee xubnaha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Murashaxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah

Lacagta Murashaxiinta: Musharax kasta waa in uu bixiyaa carraar dhan US$ 30,000/- oo aan dib loo celineyn laguna shubayo xisaabta furan ee baarlamaanka federaalka ku leeyahay bangiga dhexe ee dowladda.

Waa in sidoo kale uu haystaa 20 xildhibaan oo taageera.

Waxaa jira guddiga isku dhaf oo labada aqal ka kooban oo mas’uuliyadiisa tahay doorashada  madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Si waafaqsan qodobka 111G(b) ee dastuurka, guddiga isku dhafka ee doorashada madaxweynaha waxaa si goobjoognimo ah ula shaqeynaya guddiga madaxa banana ee doorashooyinka qaranka si ay u hubiyaan habsami u socodka habraaca doorashada

W/Q: Abdi Aziz Ahmed Gurbiye