Isbitaalka Banaadir oo ay ku jiraan carruur qaba cudurka Kansarka

Muqdisho (Caasimada Online)  sida ay saxaafadda u sheegeen dhaqaatiirta Isbitaalka hooyadda iyo dhalaanka ee Banaadir oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxa isbitaalka ku jira illaa 20-ilmo oo qaba cudurka Kansarka, kuwaasoo aan waxbo dalka looga qaban karin.

Madaxa dhaqaatiirta isbitaalka Banaadir Dr. Yaxye Cabdu-Qaadir Cabdi Shoocle oo la hadlaayay VOA ayaa sheegay in carrruurtaas oo laga kala keenay gobalada dalka aaney xaaladooda  hadda waxba uga qaban karin Muqdisho.

Wuxuu sheegay in tira koob ay sameeyeen labadii bil ee la soo dhaafay in lagu ogaaday in ay diiwangaliyeen tiro ka badan 20-carruur ah oo qaba cudurka Kansarka, kuwaasoo laga kala keenay gobalada waddanka oo dhan.

Wuxuu kaloo sheegay Dr. Shoocle in Kansarka ay u kala saareen labo qaybood, kuwaasoo kala ah  kuwa qaba kansarka dhiiga iyo kuwa qaba kasnsarada dhinacyada kele, waxana uu intaas ku daray in tiradooda ay ka badan tahay illaa 20-carruur ah.

Mar la waydiiyay sida ay ku ogaadeen in carruurta isbitaalka la keenay ay qabaan cudurka Kansarka, wuxuu ku jawaabay in ay sameeyeen baaritaano oo la kaashadeen labo dhaqtar oo ku sugan Muqdisho kuwaasoo ku takhasusay cudurka Kansarka in ay soo sheegeen in carruurtaas ay qabaan cudurka Kansarka.

Wuxuu kaloo sheegay in markii la keenayay Isbitaalka carruurta ay ka muuqatay cudurka Kansarka, laakin iyaga ay baareen maadama uu yahay cudur halis ah.

Wuxuu cadeeyay Dr. Shoocle in carruurta ay badan kood ka yimaadeen magaalooyinka dalka sida Hargeysa iyo Kismaayo iyo meelo kale oo waddanka ah.

Wuxuu sheegay in qaar badan loo fidiyay daryeel, kuwaasoo la siiyay dawooyin kaalmaato ah, isla markaanka la jiifiyay isbitaalka kuwa kalena dib loogu celiyay guryahooda.

Ugu dambeen Dr. Shoocle ayaa sheegay in intii karaankooda ay dedaal muujinayaan siddii daryeelo loogu heli lahaa carruurta la jiifta cudurka Kansarka oo ka mid ah cudurada halista ah ee dunnidda.

Waxa kaloo uu codsi u jeediyeen ciddii gacan ka geesan karta u gargaarida carruurtaas in la soo gaaran kaalmo degdeg ah.

Dalka Soomaaliya oo dagaallo ay ka socdeen in ka badan 20-sano kuma yaalaan xarumo lagu daweyo cudurka Kansarka oo ka mid ah cudurada fara kutiriska ee lagu arko Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho