Warbixin: Natiijada kullankii Madaxda Midowga Yurub & Madaxweyne Xasan

Brussels (Caasimada Online) Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda booqasho rasmi ah ku jooga xarunta midowga Yurub ee Brussels ayaa kulamo halkaas kula qaatay madaxweynaha mudowga Yurub guddoomiyaha midowga Yurub iyo madaxa kale.

Kulanka kaddib shir jaraa’id ayey qabteen haddalana waa ay ka soo saareen, waxaana midowga Yurub uu sheegay in Soomaaliya ay u
sameenayaan shir, shirkaas oo magaalada Brussels ka dhacaya .

Shirka ayaa la sheegay in la doonayo siddii loo saari lagaa qorshe cusub oo ku aadan siddii looga taageeri lahaa dowladda Soomaaliya
dhinacyada Siyaasadda,Ammaanka iyo Horrumarinta.

Hadal laga soo saaray kulankaas kaddib, waxa lagu sheegay in Soomaaliya ay xirtay amaba laabtay bogg isla markaan dooneyso in ay la
wareegto mustaqbalkeeda oo ay gacanta ku dhigto iyo wanaaga dadkeeda.

Midowga Yurub wuxuu horreyba u ahaa ayaa la yiri deeq bixiyaha ugu way nee Soomaaliya, iyadoo dalka Soomaaliya la siiyay ku dhawaad nus milyan oo Yurow oo ah lacagta Yurub laga soo bilaabo sannadkii 2008.

Midowga Yurub waxa kaloo ay sheegeen in ay bixiyeen gargaar bini’aadinimo oo gaaya 60-milyan oo Yuurow sannadkan oo kaliya.

Guddoomiyaha midowga yurub waxa uu sheegay in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya ay isku raacen in ay wadashaqeeyaan waqtiga fog Soomaaliya iyo midowga Yurub.

“ Waxan dooneynaa Soomaaliya in ay wax ka qabato dhibaatooyin keeda iyadoo dhabada loo aasaro mustaqbalka dalkaas iyo sidii loo wanaajin lahaa, si taas loo sameeyana waxaan muhiimad siineynaa in wax walba Soomaalida ay sameesato isla markaana aan dhageesano baahida iyo muhiimada ay lee yihiin arrimaha Soomaaliya ay rabaan in wax lagala qabto “ ayuu yiri guddoomiyaha midowga yurub.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kal la kulmay madaxa arrimaha dibedda midowga yurub Catharine Ashton.

Hadal kulankaas kaddib laga soo saarayna waxaa lagu sheegay in labadii sano ee u dambeesayba Soomaaliya ay soo hagaageysay.

“Waxan tagay Soomaaliya si aan u soo arko sida dadkaas ay ugu dedaalayaan sida ay uga bixi lahaayeen dhibaatooyinkii iyo
khalalaasihii heestay , waxan aad ugu faraxsanahay xiriirka midowga yurub iyo Soomaaliya ka dhexeeya oo gacan ka geestay horrumarka laga gaaray Soomaaliya”

Waa ay sii hadashay Mrs. Ashton “ Waxan dooneynaa in aan abaabulno shir ka dhaca magaalada Brussels sannadkan gudihiisa oo ay ka soo qaybgali doonaan Soomaalida si markaas loogu gudbiyo arrimo looga caawinayo dhinacyada siyaasadda, ammaanka iyo horrumarinta oo taageero laga siinayo “

Waddamada deeq bixiyaasha ayaa maalmahan si is daba jooga ah waxa ay shirar caalami ah u qabanayaan dowladda Soomaaliya oo hadda ah dowlad rasmi ah isla markaana aqoonsi ka heesta waddamada caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Brussels