Warbixin qiiro leh oo ku saabsan 26-jir indhaha aduunka kusoo jeediyay Soomaaliya

Baraha bulshada ayaa laga bilaabay Olole looga dalbanayo Turkish Airline iney caawiso dadka Soomaaliyee kuwaas oo qarka u saaran iney baahi iyo haraad u geeriyoodaan kadib markii ay abaaro ku dhufteen gobolo badan oo dalka ah.

Ololahaan loogu magac daray #TurkishAirlinesHelpSomalia wuxuu gilgilay barta twitter-ka wuxuuna noqday mid hirgala kaas oo taageero xitaa ka helay Actor-ka caanka ah ee Hollywoodka-ka Ben Stiller kaas oo doorkiisa ka ciyaaray sidii loo adkeyn lahaa ololahaan.

YAA KU FAKARAY OLOLAHA?

Ra’yigaan lagu caawin doono malaayiin Soomaali ah wuxuu kasoo maaxday 26-jir u dhashay dalka France oo la yiraahdo Jerome Jarre, wuxuu noqday mid ka mid ah dadka loogu hadal heynta badan yahay dunida.

Ben Stiller oo kasoo jawaabay muuqaalka Jarre wuxuu sheegay iney tahay fikrad waali ah sido kalana aan dhamaanteen caawin karno Somaliya sidii diyaar aan uga buuxin laheyn Cunno iyo Biyo.

Kerem Kınık oo ah madaxeynaha Bisha Cas qeybta Turkiga ayaa aad ugu amaanay Actor-ka inuu si weyn uga qeyb qaatay hawlaha samafalka ee loo fulinayo dadka ku dhibaateysan geeska Afrika.

Ololahaan Malaayiin qofood oo caan ah, Ajaanib iyo Soomaali ayaa aad u hadal qaaday wuxuuna noqday mid miradhala ugu dambeyntii.

MAXAA KU DHALIYAY JARRE FIKRADAAN:

Jeroma Jarre muuqaalkiisii ugu horeeyay ayuu wax walba ku cadeeyay wuxuuna qiray inuu aad uga qiirooday dhimashada Gabar 6-jir ah oo u geeriyootay (HARAAAD – OON) kadib markii ay hooyadeed ku wehlisay safar Biyo Raadin ah oo ku qaatay fogaan dhan 90 Mile – Jarre wuxuu muuqaalkaas fariin ugu gudbiyay Turkish Airline kana codsaday iney jawaab soo siiso.

YAA KU WEHLIYAY:

Jérôme Jarre waxaa ololahaan ku wehliyay oo kasii gacan siiyay sidii uu codka meel dheer u gaari lahaa Casey Neistat oo ah filim sameeye, sidoo kalana ah mid ka mid ah dadka caanka ah ee Youtune iyo Actor-ka caanka ah ee Ben Stiller.

TURKISH AIRLINE MAKA JAWAABTAY?

Haa’ Turkish Airline waa ka jawaabtay codsigii uu bilaabay Jarre ee aadka u qabsaday baraha bulshada waxeyna barteeda Twitter-ka ku xaqiijiyeen iney fulinayaan hawsha.

“Waan Jecelnahay Somalia – Waan Helnay Baaqii Duulimaad ee micnaha ku fadhiyay” Ayey bartooda kusoo qoreen taasoo ka dhigan iney aqbaleen.

TURKISH MAXEY QABAN DOONTAA?

Turkish Airline waxey sameyn doontaa hal safar oo ay raashin ku geyneyso Somalia waxaana lagu qiyaasay 60 Ton.

MAXAA XIGAY:

Waxa xigay in Jérôme Jarre, Juanpa Zurita, Casey Neistat iyo Stiller ay abuureen olole loogu magac daray (#LoveArmyForSomalia) iyagoo adeegsanaya GoFundMe. Hamiga ololahaan waa in 1 Malyan oo Doolar lagu aruuriyo 10-maalmood gudahood wuxuuna durba kor usii dhaafay $200,000 (Laba Boqol Kun).

WAA KUMA JEROME JARRE:

Jérôme Jarre waa 26-jir 2-dii June 1990-kii ku dhashay Magaalada Albertville ee dalka Faransiiska, balse hadda dagan dalka mareykanka gaar ahaan Los Angeles.

SHAQADIISA MAXEY TAHAY:

Waa Ka Qosliye [Shactiroole], sidoo kalana waa ganacsade, ahna shaqsiga afaraad ee ugu caansan aaladda bulshada ee VINE, sidoo kalana wuxuu noqday qofka ugu caansan Snapchat.

kadib markii uu ganacsiyo ka bilaabay China iyo Canada, Jarre wuxu bilaabay inuu muuqaalo galiyo Vine maalintii la sameeyay, kadib wuxuu ka tagay ganacsigiisa isagoo si weyn diirada u saaray Vine, May 2013 ayuu bilaabay inuu ka qeyb qaato helidda GrapeStory oo ah barnaamij wakiileed dhanka hibada ah oo lagu qabto shaqsiyaadka Vine Iyo Snapchat.

NOLOSHIISA GUDAHA:

Jarre waxaa soo korisay hooyadiis, isagoo 19-jir ah ayuu isaga tagay Kedge Business School  oo ah iskuul lagu barto ganacsiga, wuxuuna u guuray China isagoo halkaas ka bartay luqadda English-ka iyo Shiinaha.

China wuxuu ka bilaabay ganacsiyo fara badan, balse mid ka mid ah ayaa guuleystay kaas oo u sahlay inuu u duulo Toronto.

GUNAANAD:

Jérôme Jarre waxaan leenahay Mahadsanid – Waana mid ka mid ah dadka ugu weyn ee waqtigaan gacanta weyn siinaya Soomaalida dhibaateysan.

Waxaa Diyaariyay: Abdirashid Mohamud Nor