Wareega Koowaad ee Doorashada Baarlamaanka oo dhamaaday (Yaa ugu codad badan?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow soo dhamaaday wareegii 1-aad ee doorashada guddoomiyaha BFS, waxaana Doorashada ku tartamaaya Musharaxiin Afar ah.

Doorashada wareegeeda 1-aad uu dhamaaday ayaa waxaa xaadirtay 236 xildhibaan, waxaana haatan socda tirinta codadka.

Doorashadan ayaa waxaa ku guuleysan kara musharaxii hela 139 cod iyo wixii ka badan.

Musharaxiinta la saadaalinaayo ayaa kala ah Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari iyo Cabdirashid Maxamed Xidig, oo ugu badan codadka la tirinaayo.

Doorashada ayaa waxaa gooobjoog ka ah wakiilo caalami ah, waxaana lagu wadaa in wareega soo socda leysla gaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com