Somalia: Wariye dhaawacmay, Xildhibaan dhintay iyo guddoomiye maxkamadeed oo iscasilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wariye lagu magacaabo Mahad Maxamed C/raxmaan (Mutawakil) oo ka tirsan Idaacadda Shabeele lagu dhaawacay magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn ka dhacday isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, taasi oo u dhaxeysay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen.

Qaar kamid ah saaxiibada uu la shaqeynayay Mutawakil ayaa sheegay in dhaawaciisa uu wanaagsan yahay, lana dhigay mid kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo.

Wariyaha ayaa la kulmay israsaaseynta u dhaxeysa ciidamada wuxuuna kamid ahaa dad kale oo ku sugnaa goobta israsaaseynta ay ka dhaceysay.

Dhinaca kale wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dhaawac soo gaaray uu u geeriyooday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland.

Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax lagu xiray gaarigiisa oo dhacay magaalada Gaalkacyo, laakiin muddooyinkii u dambeeyay waxaa lagu daweeynayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qaraxa uu ku dhaawacmay xildhibaanka ayaa bilowgii bishaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana xildhibaanka lagu xasuustaa inuu qeyb ka qaatay horumarinta waxbarashada deegaanada Mudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Wararka kale ee aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in guddoomiyihii maxkamada magaalada Kismaayo uu iska casilay xilka uu ka hayay maxkamada Kismaayo.

Gudoomiyaha iscasilay ayaa waxa lagu magacaabaa  Sheekh Xasan Macalin Aadan, waxaana Sanadyadii lasoo dhaafay uu ahaa Gudoomiyaha Maxkamadda Kismaayo.

Ilo ku dhow Madaxtooyadda Jubbaland ayaa sheegay in Sababta uu isku casilay in ay tahay Mushaar la’aan soo wajahday.

Caasimada Online mar walbaa kala soco wararka kusoo kordhaa gayiga Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com