Wariye ka tirsanaa TV-ga Jubbaland oo Muqdisho ku geeriyooday

Muqdisho (Caasimadda Online) – C/laahi Cismaan Macalin oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qarixii dhowaan ka dhacay magaladda Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa saakay ku dhintay isbitaalka Madiino ee magaaladda Muqdisho.

Ninkaan oo wariye ahaa ayaa waxaa gaaray dhaawac madaxa ah waxaana dhowr isbitaal oo ku yaala Muqdisho ay sheegeen inaan xaaladiisa dalka waxba looga qaban karin mana jirin cid kale oo u istaagtay iney dibadda kula soo tacaasho.

Ugu dambeyn saakay ayuu ku ekaa waqtiga uu C/laahi kulahaa aduunka ,waxaa uu ka tirsanaa saxafiyiinta magaaladda Baladweyne ee gobalka Hiiraan, sidoo kale waxaa uu halkaas wakiil uga ahaa TV-ga maamulka Jubbaland.

Wariyahaan ayaa ifka uga tagay xaas iyo hal cunug.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com