Warqad sir ah: Lacagta madaxtinimada FAARAX C/qaadir lagu maal-gelinayo oo la dalbay (Imisa?)

(Caasimada Online. Muqdisho) Waxaa laga wadaa in dhawaan uu ka furmo magaalada Jowhar shirkii maamul u sameynta gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Shirkan ayaa waxaa aay saadaalinayaan siyaasiinta falanqeeya siyaasadda Soomaaliya in uu noqon doono mid la mid kii ka dhacay magaalada Cadaado Bishii June ee sanadkan 2015.

Waxaa shaki uusan ku jirin in halkaasi aay ka dhacday in musuqmaasuq iyo xatooyo xoolo qaran lagu soo doortay mid ka mid ah saaxiibada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ahna xubin fir fircoon aa ka tirsan koox diimeedka Damul Jadiid.

Haddaba Caasimada Online oo beryahanba ku jirtay dabagal waxa uu yahay qorshaha maamul u sameynta Shabeelle iyo Hiiraan ayaa waxaa aan baaritaanka ku soo ogaanay in Madaxweyna Xasan Sheekh uu rabo in uu mar labaad madaxweyne ka dhigo saaxiibkii Faarax Cabdulqaadir.

Caasimada Online oo heshay documenti caddeyn ah oo uu wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxman Odowaa uu kaga dalbaday dowladda Imaaraadka carabta adduun dhan $2.000.000 (Laba Malyan oo Dollar) oo lagu dhiso dowlad goboleedka Shabeelle iyo Hiiraan.

Waxaa kale oo aan ogaanay in qarashka dhismaha dowlad goboleedyada oo ka imanayo lacagaha loogu tala galay qaraashdka dowladda federaalka aay bixisay hay’adda DFID adduun dhan  2.5 Malyuun oo ah geniga ingiriiska ee loo yaqaan UK POUND oo dhiganta $3.2 Malyuun oo dollar. Lacagtan ayaa waxaa la soo marsiiyay hay’ad kale oo ingiriis ah oo loo yaqaan Adam’s Smith, taasoo ku wareejisay SOMALI STABILITY FUND SFF.

Haddaba su’aasha aay dad badani is weydiinayaan ayaa noqoneysa, Halkee loo wadaa lacagtan 2 malyan oo doollar ah? Waa hubaal in lacagtaas loo isticmaali doono laaluush bixinta sidii uu ku noqon lahaa Faarax Cabdulqaadir madaxweynaha dowlad goboleedka Shabeelle iyo Hiiraan, isaga oo soo dhinac fariisan doona saaxiibkiis Cabdikarin Xuseen Guuleed, Sharif Xasan Sheekh Adan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku diyaarinayo sidii uu mar labaad u soo noqon lahaa, iyadoo aad mooddo shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta kalaba aay raalli ka yihiin musuqa iyo xatooyada xoolaha qaran ee Villa Somaliya aay caadeysatay.

Waxaa iyana xusid mudan maxaa ka soo galaya dowladda imaaradka carabta in aay laaluushaan Villa Soomaaliya? Waxaan dhammaanteen marqaati ka nahay in walaalaha Turkiga ee noo soo gurmaday markii aay adduunka oo dhan naga dhaga xirteen, in reer galbeedka aay u isticmaalayan Imaaradka carabta in lagu majaxaabiyo howlaha muhiimka ah ee aan markhaatiga u baahneyn ee aay noo qabteen Dowlada Turkiga iyo shacabkeedaba. Halkan ka akhri Turkiga oo Xeryo Ciidan ka sameysanaya Qatar, Somaliya

Waxaa ayaan darro ah in danaha shaqsiyadeed ee Xasan Sheekh iyo saaxiibadiis loo lumiyo waxqabadkii walaalaha Turkiga. Sida aay qoreen wargeysyada caalamiga ah Turkiga ayaanan marnaba dheg jalaq u siin doonin daciifnimada waddamada Khaliijka ee raba in aay majaxaabiyaan danaha Turkiga iyo siyaasadiisa ku aadan Geeska Africa.
Dowladda Turkiga ayaa ka furan doonta dhammaadka sanadka 2016 iyo horraanta 2017 xerada military ee ugu weyn Afrika magaalada Muqdisho, iyagoo markaa kuwa kalena ka furan doona Qatar & Jabuuti oo aan xiriir wanaagsan la lahayn wadamada Khaliijka sida Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Waxaa ummada Soomaaliyeed uga digeysaa dowladda Imaaraadka in aay ka fiirsadaan siyaasadda qalafsan ee aay ka wadaan Soomaaliya, iyo in lala xisaabtami doono. Hoggaanka Xasan Sheekh ayaanan ku soo noqon doonin xukunka dalka bisha September ee 2016, haddii uu isku dayo in uu musuq iyo xoog ku soo noqdana aay shacabka Soomaaliyeed ka dagaalami doonaan, taasoo soo celineyso xasilooni darro markale ka dhacda Soomaaliya.
Halkan hoose ka aqri Waraaqda Odowaa uu ku dalbaday lacagta.

1 2 4 3 5 6 7 8

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com